
Sidoo kale, haddii ay adkaato in heshiiskaas lagu noqdo, kordhinta la waafajiyo heshiiska Xisbiyada qaar isla qaateen ee dhigaya in doorashooyinka la qabto 15-ka November 2016-ka, maaddaama oo sida ku cad Dastuurka Somaliland aanay jirin wakhtigan aafo qasbi karta inaan doorasho la qaban karin oo ay Guurtidu cuskadeen, balse Beel caalam ahaan ay si cad ugu muuqato in ajande siyaasadeed uu yahay wakhtiga la kordhiyey, halkii looga baahnaa wakhtiga farsamo ee Komishanka inay sharciyeeyaan.
Hase-yeeshee, Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ku dooday in Golaha Guurtidu yahay Golaha sharciga ee dalka ugu sarreeya go’aanka ay gaadhaanna sharci yahay oo aanu burin karin. Waxaanu warku intaas ku daray in Guddoomiyaha Guurtiduna sidoo kale ku tilmaamay go’aan Gole oo aan ka noqosho lahayn ee uu sharciyoobay. Waxaana la sheegay in Xubnaha Qaadhaan-bixiyeyaashu sheegeen in haddii go’aankaas laga noqon waayo cadaadis caalami ah la saari doono Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee wakhtigeeda sharciga ahi ku dhammaanayo 26 June 2015-ka iyo Shir-guddoonka Golaha Guurtida, inkastoo aanay Xubnahani si rasmi ah u caddaynin tallaabada ay qaadayaan haddii laga noqon waayo muddo-kordhinta ay ku tilmaameen mid siyaasadeed ee Madaxtooyada iyo Wakiillada loo sameeyey.
Balse, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis, ayaa arrintaa qaadhaan-bixiyeyaasha ka hadlay mar ay shalay Saxaafadda ugu kala warrameen magaalada Hargeysa. Waxaanay tilmaameen inay Somaliland hawleheeda gaarka ah ee gudeheeda ay u madax-bannaan tahay, isla markaana wax kasta oo soo dhex-gala dhexdooda ka dhammaysanayaan Mucaaradka iyo Muxaafadka Somaliland, sidaa awgeedna ay faraha kala baxaan qaddiyadaha gudaha.
“Dawladda Somaliland waa dawlad ka mid ah beesha caalamka, waa dawlad waloow aanay ictiraaf haysan madax-bannaan, waa dawlad ku dedaashay inay gaar isu taagto, waa dawlad shuruucdeeda, dastuurkeeda, wax-qabadkeeda iyo Ururradeeda leh, shaqadeeda iyo hawsheeda siday u qabsatana way taqaannaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.
Wasiir Biixi waxa uu intaas ku sii ladhay; “Markaa, wadahadallo waannu la yeelannaa beesha caalamka, wadahadalladaa aannu la yeelanno iyaga iyo annagu waa isku waraysannaa. Laakiin, danta Somaliland waxay u taallaa Somaliland, Shacabka Somaliland bay u taallaa, Guurtida iyo dawladda Somaliland bay u taallaa. Wax dhibaato ahina ma jirto, caalamkana waannu kala wadahadalnaa waanannu ku qancinnaa, wadahadalna waannu la yeelannay ciddii noo timi, waanannu ku qancinnay arrinku siduu yahay.”
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan-Saylici, ayaa isaguna mar uu shalay ka hadlayey Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland doorashooyinka ka taageera ee Beesha caalamka waxa uu yidhi; “Beesha caalamka waannu uga mahad-celinaynaa wada-shaqaynta ay nagala shaqayso doorashooyinka, haddana duruufaha noo gaarka ah annagaa cid walba ka og, waxaanannu u sheegaynaa annagu aannu dhammaysanayno, oo aan jecelnahay inay hawlahayaga dibedda ka joogaan.”
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment