Saturday, May 2, 2015

Xildhibaanno Qaylo-dhaan Kasoo Saaray Shacab Reer Garisa ah Oo Xilliyada Habeenkii Si Joogto ah Guryahooda Loogala Baxayo

Garisa:May,02,2015(Himilo)-Shacabweynaha ku Nool Magaalada Garisa ee Gobolka W/Bari Kenya, ayaa la ildaran Qafaalasho joogto ah oo lagu hayo Xubno Qoysaskooda katirsan, kuwaas oo xilliyada Habeenkii guryahooda lagala baxayo.

jerrTallaabada Dadkaas lagula Baxayo, ayaa waxa lagu eedaynayaa inay Dawladdu ka dambayso, waxana ay arrintu gaadhay in mudanayaasha deegaankaas laga soo doortaa si weyn uga Hadlaan Tallaabooyinkaas.

Ugu yaraan 10 ka mid ah dadka reer Garissa, ayaa siyaabooyin kala duwan bishii hore ee April looga dhex qab qabtay Magaalada, iyadoo aan wax war ah laga hayn halka dadkaasi lala aaday.

Dadka reer Garissa, ayaa waxay rumeysan yahay in Ciidanka Booliska Kenya ay dadkaasi ka dhex kaxeysten Magaalada Garissa, isla-markaana aanay waxba kala socon halka ay ula dhaqaaqeen dadkaasi.

Xildhibaanada laga soo doorto Gobolka Waqooyi Bari, ayaa waxay Dowladda Kenya weydiisteen inay caddeyso cidda ka dambeysa iyo halka ay ku sugan yihiin dadkan, oo ay sheegeen in lagala baxay guryahooda.

Xildhibaanada oo Saxaafadda kula hadashay Magaalada Nairobi, ayaa waxay caddeeyen inaanan wax war ah laga hayn halka loola dhaqaaqay dadkaasi, ayna Dowladda ugu yeedhayaan inay arrintaasi caddeyso.

Kenya waxay culeys xoogani saartay bulshada Somaliyeed ee Magaalada Garissa degan, wixii ka dambeeyay weerarkii lagu hoobtay, ee Shabaabku ku galeen Jaamacadda Garissa, 2-dii April.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment