Tuesday, May 20, 2014

Dalalka Carabta Oo Albaabada U Laabay Safaaradihii ay ku Lahaayeen Dalka Qaska Sii Gelaya ee Libia

Tripoli:May,20,2014(Himilo)-Inta Badan Waddamada Carabta, sida Sucuudiga, Imaaraadka iyo Aljeeriya ayaa gebi ahaan xidhay safaaradihii ay ku lahaayeen dalka Liibiya.

embaaaWadanka Turkiga ayaa sidoo kale xidhay Qunsuliyadii uu kulahaa magaalada Benghazi oo xuddun u ah Dagaallo dhawaan halkaas ka bilaabmay.

 

Xaalada dalka Liibiya ayaa kasii dareysa iyadoo lagu tilmaamay dagaalada ugu danbeeyey ee ka bilowday Benghazi iyo Tripoli kuwo keeni kara dagaal sokeeye oo wadankaasi ka qarxa.

Ciidamada Militariga oo uu hogaaminayo Jeneraal Khalifa Haftar ayaa weeraro la beegsaday maleeshiyaadka awooda badan ee ku sugan Magaalada Benghazi, waxay sidoo kale ciidamadiisa weerareen Baarlamaanka Tripoli iyagoo codsaday in la kala diro Golaha Shacabka.

 

Ciidamadan Militariga ayaa sheegay inay badbaadinayaan Qaranimada wadanka Liibiya isla markaana tilaabo ka qaadayaan xoogaga ay ku tilmaameen argagaxisada hubeysan.

 

Balse xukuumada Liibiya ayaa sheegtay in ciidamada ka amarqaata Jeneeral Khalifa ay wadaan inqilaab militari.

 

Dhinaca kale maleeshiyaadka hubeysan ayaa sheegay inay iska difaaci doonaan duulaanka uu wado Jeneraal Khalifa oo ay ku tilmaameen haraadigii xukuumadii Col.Qadaafi oo doonaya inay dib u qabsadaan awooda wadankaasi.

 

Jeneraal Khalifa Haftar ayaa horey usoo ahaa Taliyihii ciidamadii Liibiya xiligii Col.Qadaafi uu wadankaasi inqilaabka ku qabsaday. Balse wuxuu sanadihii sideetamaadkii u baxsaday wadanka Maraykanka kadib markii xilkii uu ka qaaday Qadaafi.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment