Qoraal Gar-naqsi iyo Guubaano ah oo Madaxweyne Siilaanyo u Gudbiyey Midowga Afrika
Nayroobi 21 May, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa sheegay dalkiisu buuxiyey shuruudihii looga baahnaa Aqoonsi Caalami ah oo beesha Caalamka ka hesho, waxaanu Midowga Afrika ugu baaqay in aanay mar kale lumin fursadda ay Somaliand u haysato inay hesho xubinimada ay xaqa u leedahay ee Ururka ay ku bahoobeen dalalka Qaaradda Afrika ee AU-da.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidaas ku sheegay Qoraal garnaqsi ah xambaarsanaa farriin ku socotay Midowga Afrika oo maalintii 18-ka May ee Xuska munaasibadda Qaranimada Somaliland lagu daabacay qaybo badan oo Warbaahinta qaaradda Afrika ka mid ah. Waxa uu madaxweynuhu qoraalkiisa ku xusay codsi madaxweynihii talada dalka ku wareejiyey ee Daahir Rayaale Kaahin u gudbiyey Midowga Afrika, kaas oo uu ka codsaday inay Aqoonsadaan Somaliland.
Qoraalka Gar-naqsiga iyo tusaaleynta ah ee madaxweyne Siilaanyo ku socod-siiyey Midowga Afrika oo aad u dheeraa, isla markaana uu kaga warramay heerarkii kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland soo martay, ayaanu akhristayaasha ugu soo tarjunay Afka Soomaaliga, waxaanu u dhignaa sidan: “Sida qaarada Afrika u muuqato wakhtigan, soo dhexgalka Midowga Afrika, dhamaan, hadday tahay ka jawaabida gargaarka degdega ah (sidaan ka aragno Nayjeeriya) ama balaadhinta horumar ee sida baahsan u socda.
Maaha markii koowaad, dhab ahaan, ee dalkaygu ka codsado Midowga Afrika aqoonsiga Somaliland. Madaxweynahii iga horeeyey ee Daahir Rayaale Kaahin waxuu hore u codsaday sannadkii 2005. Markaa waxaan filayaa inaan Midowga Afrika wakhti dambe lumin doonin u aqoonsiga Somaliland dal madaxbanaan oo xubin rasmi ah.
Natiijadii ka dhalatay waxay noqotay wefdi ka socday Midowga Afrika in la soo diro oo eega waxii hogaamiyeyaasha iyo shacabku dhisteen, ilaa intaan madaxbanaanidayada la soo noqonay. Waxa lagu ogaaday in horumarkayagu ku cusub yahay taariikhda Afrika, isla markaana ku taliyeen in Midowga Afrika sameeyaan dariiq gaar ah oo kula macaamilaan xaalada Somaliland.”
Sagaal sannadood ka dib, Somaliland weli way sugaysaa. Sidaan maanta (Axadii) ugu dabaaldegayno 23 guuradii ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbanaanidayada, weli waa noo muuqda in aqoonsigii nagala bakhayleen qaaradii aanu ka tirsanayn, Waxaan nahay gaboodkii nabadgelyada, xasiloonida iyo dimoqraadiyada; naga siiya kursigayagii miiska wada xaajoodka.
Waa arrin saamayn ku leh Somaliland iyo qaarada Afrika. Laakiin aqoonsi la’aanta naga haysata wadamadda qaarada Afrika iyo beesha caalamka waxay caqabad hortaagan ku yihiin horumarkayaga iyo rajadii wanaajinta nolosha muwaadiniinta.
Waan fahmi karaa, xaqiiqdii sababaha taxadirka. Laakiin, ka dib 23 sannadood oo sidii wadan madaxbanaan u dhaqmaynay, waa la gaadhay xilligii la aqoonsan lahaa xaqiiqada gudaha ka taagan.
Waxa sidoo kale muhiim ah xusuusashada in wefdigii Midowga Afrika ee yimi Somaliland gaar ahaan aqbaleen inaan xubin noqoshada Somaliland furayn wado xuduudo kale goosasho u dalbadaan.
Midowga Afrika waxuu ku abuurmay rajada wadammo cusub oo aaminsan wadajir inay isku caawin karaan koritaankooda iyo horumarkooda, Somaliland waxay muujisay 23 dabadeed heerka lagu gaadhi karo geesinimo iyo shaqo adag.
Waxaan markale codsanaynaa fursad naloogu aqbalo xubin buuxda oo ka tirsan shucuubta Afrika, si aan u sii adkayno seeska adagee aan dhisnay, qeybna uga qaadano horumarka guud ahaan ka socda qaaradda Afrika,” ayuu u dhignaa qoraalka madaxweynaha oo aanu ka soo xigannay Jariiradda East African Standard ee ka soo baxda Dalka Kenya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment