Wednesday, May 21, 2014

Xildhibaan Mubaarik Cabdi-malow Oo Loo Dhaariyey Xubin-nimada Golaha Deegaanka Hargeysa

Hargeysa:May,21,2014(Himilo)-Waxa Maanta si rasmi ah Loogu dhaariyey xubin-nimada Golaha Deegaanka Hargeysa Xildhibaan Mubaarik Cabdi Faarax oo Buuxiyey Jagadii uu Banneeyey Marxuum Xildhibaan Deeq Ducaale oo dhawaan Geeriyooday.

ina cabdiXildhibaanka oo Kaalinta koowaaad kaga jirey Xildhibaanada Xil-sugayaasha u ah urur-siyaasadeedkii Xaqsoor, ayaa ka mid noqday Xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa oo Haatan shaqaynayey muddo sanad iyo Badh ah.

Guddoomihaha  Maxakamada Gobolka Maroodi jeex Faysal Maxamed Cabdilaahi (Faysal Dhago-dhago) ayaa  u dhaariyey Xildhibaanka mid noqoshada Golaha Deegaanka Hargeysa.

Dhaarta Xildhibaanka Cusub ayaa waxa Goob-joog ka ahaa Maayark-ku-xigeenka Caasimadda Hargeya Cabdicasiis Maxamed Xaashi, Xildhibaan Saleebaan Dogox iyo waliba Xildhibaan Siciid Af-qallooc oo isaga laftiisu dhawaan ku soo biiray Xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa.

Hadal kooban oo uu ugu horeyn Guddoomiyaha Maxakamada Gobolka Maroodi Jeex Faysal Maxamed Cabdilaahi jeediyay ayaa waxa uu ku sheegay in ay dastuuri tahay in loo dhaariyo Xildhibaan Mubaarak Cabdi Faarax kaalintii uu baneeyay rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee Marxuum Deeq Ducaale oo ay ka soo wada baxeen urur siyaasadeedka Xaqsoor.

 

Guddoomiye Faysal ayaa ku Guubaabiyey Xildhibaanka cusub inuu xilkiisa si daacadnimo ah u guto, isla-markaana laga Bilaabo ay fuushay masuuliyad ballaadhanin.

Xildhibaan Saleebaan Daahir Cabdilaahi (Dogox) oo hadal kooban dhaarinta ka dib jeediyay ayaa ilaahay uga baryay Marxuum Deeq Ducaale in uu naxariistii janno ka waraabiyo, sidoo kale waxa uu Golaha Deegaanka ee Hargeysa ku soo dhaweeyay Xildhibaan Mubaarak Cabdi Malaw.

 

Sidoo kale Mayor Ku Xigeenka Caasimada Md. Cabdicasiis Maxamed Xaashi oo isna halkaasi kalmado kooban ka soo jeediyay ayaa ugu horeyn ilaahay uga baryay Marxuum Deeq Ducaale in uu naxariistii janno ku manaysto, waxaanu soo dhaweeyay Xildhibaan Mubaarak Cabdi Malaw, waxaanu yidhi “Waxa aan ugu horeyn halkan dhambaal tacsi ah uga dirayaa eheladii uu ka baxay Marxuum Deeq Ducaale, waxaanan ilaahay uga baryayaa marxuumka in uu naxariistii janno ka waraabiyo.Sidoo kale waxa aan golaha deegaanka ee Magaaladda Hargeysa si niyad samaan ah ugu soo dhaweynayaa Mubaarak Cabdi Malaw oo nagu soo biiray.”

 

Xildhibaan Mubaarak Cabdi Malaw oo isna gabogabadii halkaasi kalmado kooban ka soo jeediyay ayaa yidhi “Marka ugu horeysa waxa aan halkan dhambaal tacsi ah uga dirayaa allah haw u Naxariistee Marxuum Deeq Ducaale oo dhawaan ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa, waxaanan ilaahay uga baryayaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo.Sidoo kale waxa aan iyagana uga mahad celinayaa Mayor Ku Xigeenka caasimada iyo xildhibaan Dogox  sida fiican ee ay iigu soo dhaweeyeen Golaha deegaanka ee Hargeysa. Waxa aan shacabka reer Somaliland ka codsan lahaa in ay iigu soo duceeyaan xilkan culus ee la I saaray in uu ilaahay ii fududeeyo, runtii waa hawl adag, laakiin ducadiina ayaan kaga gudbi karaa” ayuu yidhi.

 

Xildhibaan Mubaarik cabdi-malow oo ka mid ahaa mushariciinti ugu da’da yaraa u tartamayaashii golaha Deegaanka ee Caasimadda, ayaa Haatan ka mid noqon doona Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment