Hargeysa, 22 May, 2014 (Himilo)- Ugu yaraan todoba iyo toban qof, ayaa ku dhintay weerar ka dhacay magaalo ku taalla Waqooyi-bari ee dalka Nigeria oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen kooxda Boko Haram, halka qaraxan shalay dhacay saacado ka horna dorraad ay dhaceen qaraxyo ay ku dhinteen 118 qof.
Magaalada Alagarno oo ku taalla gobolka Borno ayaa u dhow halka labada boqol ee gabdhaha Iskuullada ah laga afduubay in ka badan shan tofdobaad ka hor. Waxa uu weerarkani yimi saacado kadib markii laba bombo oo mataano ah ay ku qarxeen magaalada Jos ee gobolka Plateau kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan boqol iyo siddeed iyo toban qof.
Qaraxyada ay ku dhiniteen ugu yaraan 118-ka qof, waxaa ku dhaawacmay 56 ruux. Qaraxyadan ayaa ka dhacay dhisme weyn oo magaaladaas ku yaalla xilli ay Ciidammada ammaanka iyo kuwo kale oo caalami ah ka wadaan gudaha dalkaas howgallo lagu adkeynayo ammaanka.
Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa si adag u cambaareeyay labada qarax ee khasaaraha badan geystay, isagoo ku tilmamaay kuwo looga soo hor-jeedo xorriyadda bani’aadamka, isla markaana ay geysteen kooxo uu ku tilmaamay fulayaal iyo shadaaddiin.
“Xukuumadda Nigeria waxay ballan-qaadaysaa inay fuliso ballan-qaadkeedii ahaa inay ka guuleysato argagaxisada…Weligeen kama baqi doonno cadowga doonaya inay hor-istaagaan horumarka shacabka dalkan.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Nageria Goodluck Jonathan.
Sidoo kale, qarax kale oo Axaddii ka dhacay magaalada Kanu oo Waqooyiga dalka Nigeria ku taalla, ayaa lagu dilay afar qof, iyadoo qaraxyadan ay dhaliyeen su’aalo badan oo ku saabsan in Xukuumaddu aanay awood u lahayn inay amniga dalka xaqiijiso.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment