Muqdisho, 22, May, 2014-(Himilo):- Ciidammo ka tirsan Ciidanka dawladda Soomaaliya ee lagu soo tabobbaro dalalka dibedda, gaar ahaan waddanka Uganda, ayaa la sheegay inay ku biireen Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka hubaysan kula jira dawladda iyo Xulufadeeda Midawga Afrika ee (AMISOM).
Ciidammada dawladda Soomaaliya ee lagu soo tabobbaray dalka Uganda, ayaa guud ahaan tiradooda lagu sheegay saddex kun iyo lix boqol (3,600) oo Askari, kuwaasoo dib uga soo laabtay Kampala, si ay uga qayb-qaataan nabad-sugidda qaybo ka mid ah dalka, waxaana qaarkood ay xilli horeba ka howshooda shaqo ka bilaabeen degmooyinka laga saaray kooxaha mucaaradka ku ah dawladda.
Qaar ka mid ah Warbaahinta Adduunka, ayaa qortay in Ciidammadaas qaarkood ay ku biireen kooxda Al-shabaab, taasoo keentay in shaqada laga eryo mid ka mid ah Taliyeyaashii ugu sarreeyay howl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Madaxda sare ee dawladda Uganda ayaa dhowr jeer oo hore beeniyay eedaymahan loo jeediyay Ciidammada dalkooda ku soo tabobbartay ee la sheegay inay Al-Shabaab ku biireen, iyagoo ku tilmaamay kuwa aan raad lahayn, isla markaana la doonayo in lagu wax-yeelleeyo howl-galkooda Soomaaliya oo muddo sannado ah soo socday.
Taliyaha Ciidammada difaaca Uganda Edward Katumba Wamala, ayaa isla shalay xaqiijiyay in Ciidammada dowladdooda ka jooga Koonfurta Sudan ay kala soo bixi doonaan ka dib markii halkaas la geeyay Ciidammo isku dhaf ah oo ka socda dalalka xubnaha ka ah Urur-goboleedka IGAD.
Eedayntan oo aan ahayn tii ugu horreysay ee ay la kulanto Uganda, yaa Cirka isku sii shareertay ka dib markii Press Tv oo laga leeyahay dalka Iran uu sii daayay muuqaallo muujinaya dagaal-yahnno ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in ay tabobbar ku soo qaateen Uganda.
Uganda waxaa gudaha Soomaaliya ka jooga tiro Ciidama ah, kuwaasoo qayb ka ah howl-galka AMISOM, waxaana gudaha Soomaaliya lagaga dilay Askar tiro badan illaa iyo sannadkii 2007,markaas oo howl-galkan ka bilaabeen dalka Soomaaliya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment