Wednesday, May 21, 2014

Xildhibaanno iyo Wasiirro ka Tirsan DF Somalia Oo Lagu Xidhay Nairobi

Nairobi:May,21,2014 (Himilo)-Xildhibaan Caadil Sheegow iyo Wasiirka xanaannada Xoolaha Dawladda Somalia Saalim Caliyow Ibrow,  ayaa la sheegay in maanta lagu xidhay Magaalada Nairobi oo ay Hawlo shaqo u joogeen.

xixi C/fataax Xasan Cali, oo ah Xoghayihii hore ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa xaqiijiyay Xadhiga Mas'uuliyiinta, waxaana uu intaasi ku daray in Wasiirka & Xildhibaanka ay Ciidamadu kala soo baxeen Hotel ay Nairobi ka degenaayeen.

Sababta ka danbeysa Xadhiga Wasiirka & Xildhibaan Sheegow oo aan wali la ogeyn ayaa Wararka hordhaca ah waxa ay sheegayaan in Qoyska Wasiirka Xanaanada Xoolaha Saalim Caliyow Ibrow ay si Sharci darro ah ku qaateen Baasaboorka Kenya.

 

Ciidamada Booliska Kenya ayaa Hotelka kasoo qabtay Wasiirka & Xildhibaanka waxaana ay ku xidheen Saldhig Boolis oo Sau'aalo lagu weydiinayo.

Saacado kahor inta aan lasoo qaban Labada Mas'uul ayaa Ciidamada waxa ay xidheen Qoyska Saalim Caliyow Ibrow oo lagu haysto in Baasaboorka dalkaasi Kenya ay ku qaateen Qaab aan Sharciga waafaqsanayn.

 

Waa Falkii Labaad oo Ciidamada Kenya ku xidhayaan Mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo aanay Dowladda Kenya tixgelinayn Xasaanada uu leeyahay Qof Mas'uul Qaran ah oo dalkeeda jooga oo la iska xidho.

 

Wali kama ay hadlin dawladda Federlka Somalia xadhiga Masuuliyiinta Somalida ah ee Kenya taxaabtay, waxase la filayaa inay arrintaasi xurguf siyaasadeed oo cusub labada dhinac ka kala dhex dhaliso.

 

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment