Ciidamada dalkaasi, gaar ahaan kuwa Militariga ayaa la wareegay dhamaan goobaha muhiimka ah ee magaalada caasimada ah ee Bangkok, waxay sidoo kale hawada ka saareen telefishinadii ay maamuli jireen xisbiyada mucaaridka iyo kuwa taageeri jiray xukumadii xilka heysay sanadihii lasoo dhaafay.Militariga ayaa tilaabadan ku timaamay mid aan ahayn inqilaab balse amniga lagu sugayo. Magaalada Bangkok ayey bilihii lasoo dhaafay ka socdeen banaanbaxyo aan kala go’a lahayn oo looga soo horjeeday xukuumada talada heysa.
Maxkamada Sare ee wadanka Thailand ayaa laba todobaad kahor xilka ka xayuubisay Raysalwasaarihii wadankaasi oo lagu eedeeyey musuq maasuq. Waxaana xiligaasi bilowday banaanbaxyo ay dhigayaan taageerayaasheeda.
Wadanka Thailand ayey hada ka jirtay xukuumad kumeel gaadh ah oo soo diyaarin lahayd doorasho cusub, militariga ayaa sheegay in xukuumada KMG ah ay hawsheeda sii wadan karto, walow talaabadan ay qaadeen hogaanka militariga aan lagala tashan ama lagu wargelin xukuumada KMG.
Ma aha inqilaabku wax ku cusub dalalka ku yaalla Asia, waxase dhacda in markasta ay suurtogal tahay in inqilaabyo iska dhacaan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment