Tuesday, May 20, 2014

Beelaha Buuhoodle iyo Qorilugud Oo Mar Kale Gacan-ka-hadal Dhex Maray iyo Dhimasho Laba nin oo Dhacday

Qorilugud:May,20,2014(Himilo)-Laba nin oo ka soo kala jeeda beelaha walaalaha ee deegaanada Buuhoodle iyo Qorilugud, ayaa Habeenkii xalay ku dhintay iska horimaad dhex maray dablay Hubaysan oo labada dhinac ka soo kala jeedda.

dagaaalliSida ay Himilo u sheegeen Goob-joogayaal ku dhaw deegaanka Shilkani ka dhacay, waxa ay labadan nin dhinteen markii  ay koox ka soo jeedda Deegaanka Qorilugud ayaa weerar gaadmo ah ku qaadday  Deegaanada ay beesha Buuhoodle ku dhaqan tahay, iyagoo markii hore dilay marxuum ka soo jeeda Beesha Buuhoodle, halka markii dambena la dilay hal nin oo isaguna ka soo jeeday Beesha Qorilugud.

Iska hor imaadkan ayaa ka dhacay deegaanka Qoriley oo u dhaw Magaalada Buuhoodle, halkaas oo ay tageen koox Gaade ah oo ka soo jeeday Deegaanka Buuhoodle.

Maydka labada nin ee dhintay ayaa haatan la sheegayaa inuu Gacanta ugu jiro Beesha Buuhoodle, iyadoo kooxdii ka soo jeedday deegaanka qorilugud markii ninka laga dilay ay iskaga soo yaacday Goobtii dagaalku ka dhacay.

Wararka aanu Hayno ayaa sheegaya in maydka Ninka ka soo jeeda deegaanka Qorilugud Beesha haysa laga dalbaday inay soo Gudbiyaan, balse wali aan wax jawaab ah laga Haynin.

 

Muddo haatan laga joogo  Hal Toddobaad ayaa iska horimaad labada beelood ku  dhex maray deegaanka Balan-balle, waxa ku dhintay Hal nin oo ka soo jeeda Beesha Qorilugud, halka uu dhinaca Beesha Buuhoodle-na kaga dhinteen Laba nin oo midkood dhaawac dambe u dhintay, waxana socotay waan-waan la doonayey in labada dhinac la isku horkeeno.

 

Xukuumadda ayaan iyadu isku dayin wali wax dhexdhexaadin ah oo midho dhali karta, waxana lagu talo jirey in wixii ka dambeeya Dabaal-degga 18-ka halkaas loo diro Guddiyo dhexdhexaad ka bilaaba.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment