Philippe Lazzarini ayaa dalbaday 60 milyan oo doolar oo deg deg ah toddobaadyada soo socda si looga hor tago xaalado halis ah oo iman kara.Waxa uu isu-duwuhu sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto daaweynta 50 kun oo caruur ah oo nafaqo-darro la il-daran, fududeynta gargaar la gaadhsiiyo goobaha dagaallada ay ka dhaceen iyo helidda biyo nadiif ah oo la gaadhsiiyo goobaha ay abaartu saameysay gaar ahaan gobollada woqooyi oo ay Somaliland iyo Puntland ku jiraan.
Isuduwaha ayaa sheegay in ay jirto xaalad khatar ah oo sababtay roobabka oo xilligooda kasoo daahay, dagaallo deegaannada qaar ka socda iyo sicirka raashinka oo kor u kacay, wuxuuna ugu baaqay dalalka deeqaha bixiya in ay gargaar deg deg ah lasoo gaadhaan.
Isuduwaha xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan bini’aadannimada Philippe Lazzarini ayaa caddeeyay in sanadkan kaliya ay heleen 160 milyan oo doolar oo ka mid ah lacagtii ay dalbadeen oo gaadhaysay 133 milyan oo doollar.
Wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay in gargaar deg deg ah la gaadhsiiyo 857 kun oo qof oo guryahooda ka barakacay iyo laba milyan oo qof u baahan gargaar cunto.
Isuduwaha ayaa carabka ku adkeeyay in ay heleen ilaa lix digniin oo muujinaya in ay iman karto xaalad halis ah, loona baahan yahay in laga hortago si aanay u dhicin abaartii saameysay dalka sanadkii 2011-ka.
Goobaha halisaha Nololeed laga soo calaamadiyey ayaa waxa ku jira Deegaano ka mid ah Bariga Somaliland oo Roob yaraani ka jirto, balse xukuumadda Somaliland wali arrimahaas kama ay muujin wax dhiilo ah.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment