Thursday, May 22, 2014

Xildhibaan Foosiya oo muhiim ku tilmaantay Midnimo mar kale dhex-marta Soomaaliya iyo Somaliland




Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo iska difaacday eedo musuqmaasuq oo loo jeediyey


Muqdisho, 22 May, 2014 (Himilo)- Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegtay inay wakhtigan habboon tahay in laga fikiro midnimo dhex-marta Somaliland iyo Soomaaliya, taasoo ay xilligan muhiim u tilmaanay.


FM_Fowzia2801Xildhibaan Foosiya oo ka jawaabaysay su’aalo shalay laga weydiiyey jiritaanka lacago la sheegay inay lunsatay muddadii ay xilka Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ahayd, oo warbaahinta Soomaaliya qaarkood qoreen ayaa ku jawaabtay; “Waxaan filayaa in Idaacad yar oo Xamar ku taal, Wiil jooga inta lacago badan la siiyey ay fidiyeen dacaayaddaa. Lacagta la leeyahay waa la lunsaday waa kiis immika ay Xeer-ilaalintu gacanta ku hayso, C.I.D-duna baadhayso.”


“Niman baa ka shaqeeyey Siyaasiyiin ah oo doonayey inay sumcad-xumo iiga dhigaan, oo lacag siiyey Wiil yar oo Nairobi ka hadlay. Immika waxa la hayaa Wiilkii oo qirtay, raalli-gelinna bixinaya, dhawaanna Warbaahinta ayaa loo gudbin doonaa. Waa dacaayad been ah oo aan sal iyo raad-toona lahayn, laakiin waxaas oo dhan waa laga daba tegayaa.” Sidaa ayey tidhi Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan.


Xildhibaan Foosiya Yuusuf oo la weydiiyey kaalinta ay ka qaadan karto midnimada Soomaaliya, maaddaama oo ay socdaan wada-xaajood u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ayaa tidhi; “Soomaaliya sidaan u sheegay waa dal qani ah oo adduunka oo dhami indhaha ku hayaan, oo kheyraadkiisa la wada doonayo, haddii aan la is-kaashan oo wax la wada qabsan, oo aan la isu tegin, waa la inna liqi karaa. Sidaa ayaan Somaliland u sheegayaa. Somaliland iyo Soomaaliya waa isku mid, dad walaal ah dad, mid ah, anigu labadaba waan ahay, midnimadu waa muhiim wakhtiga la marayo in laga fikiro, laga wada hadlo, wixii caddaalad ah lagu heshiiyo ayaa muhiim ah. Waxa muhiim ah inta la wada fadhiisto si run ah looga wadahadlo sidii wax loo qeybsan lahaa.”


Himilomedia.com                       


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment