Wednesday, May 21, 2014

Xayeysiis Koox Cunsuriyiin ahi Ku Soo Bandhigeen Maraykanka Oo Cadho Ku Abuuray Dadka Muslimiinta ah

Washington:May,21,2014(Himilo)-Waxa Xiisad ka dhan ah islaamku ka taagan tahay Magaalada Washington ee Dalka Maraykanka, halkaas oo la isku haysto Xayeysiis cusub oo muslimiintu dhibsadeen.

dacaayaKooxda lagu tilmaamo cunsuriyiinta ee lagu magacaabo The American Freedom Defense Initiative (AFDI), ayaa bilaabay xayeysiimo lagu dhajinayo basaska ka shaqeeya magaalada Washington DC ee caasimada Maraykanka, waxana arrintaas aad uga soo horjeestay Muslimiinta carrigaas ku dhaqan.

 

Xayeysiintan ayaa waxaa ka muuqda sawirka Adolf Hitler iyo Imaamkii hore ee magaalada Qudus Xaji Amin Al Xussein oo ahaa hogaamiye reer Falastiin ah.

 

Xayeysiintan ayaa waxaa lagu qoray in naceybka Muslimiinta u qabaan Yuhuuda ay ku taal Quraanka, isla markaana laga codsanayo dowlada Maraykanka inay gebi ahaan joojiso mucaawinada ay siiso dalalka Islaamka ah.

 

Xayeysiintan ayaa lagu wadaa in lagu dhajiyo basaska magaalada Washington bishan iyo bisha soo socota ee June.

 

Arrintan ayaa dood dhalisay, waxayna dadka qaarkood ku tilmaameen fariin cunsuriyeed, halka dad kale ay sheegayaan waxa ku qoran xayeysiintan aanay Taasi been ahayn.

Hay’adaha ku shaqada leh wax-ka-qabashada arrintan ayaan iyagu wali soo farogelin arrintan, kuwaas oo ku maqan ka fiirsasho, si aanay u  qaadin tallaabo keeni karta in la iska hor yimaaddo.

 

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment