Thursday, May 14, 2015

Dhalinyaro Soomaali-Maraykan ah oo Maxkamad ka hor-qirtay inay Al-Shabaab Taageeri jireen

New York, 14 May, 2015-(Himilo)- Saddex dhalinyaro Soomaali-Ameerikaan ah oo ku xidhan magaalada New York ee waddanka Mareykanka, ayaa qirtay inay taageeri jireen Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta dalka Soomaaliya iyo dalalka la deriska ah oo ay weerarro ka fuliyaan qaarkood.
terrorsuspectsDhallinyaradan oo lagu kala magacaabo, Cali Yaasiin Axmed oo 30-sano jir ah, Maxamed Yuusuf oo 32 jir ah iyo Mahdi Xaashi oo 25-sano jir ah iyadoo laga soo qabtay soohdinta u dhexeysa Waddamada Jabuuti iyo Soomaaliya sannadkii 2012-kii, ka dibna gacanta loo geliyay Mas’uuliyiinta Mareykanka ee ku sugan dalka Jabuuti.
Xeer-ilaaliyeyaasha, ayaa dhallinyaradan ku eedeeyay inay doonayeen inay tagaan Soomaaliya, si ay ugu biiraan Al-Shabaab, isla markaana ay doonayeen inay fuliyeen weerarro argagixisinimo. Raggan dhallinyarada ah ayaa la sheegay inay qirteen eedeymaha loo haysto ee ah inay taageerayeen Al-sbabaab, iyadoo qirashadoodu ay fure u noqon doonto in laga cafiyo eedeymo kale oo loo haysto oo ay ka mid yihiin inay haystaan hub sharci-darro ah.
Sidoo kale, waxa lagu wadaa in bisha Juun ee 2015-ka ay Maxkamad ku taalla deegaanka Brooklyn ee magaalada New York ay ku xukunto saddexda dhallinyarada ah min 15-sano oo xadhig ah. Al-shabaab ayaa hore loogu eedeeyay in dhalinyaro Soomaali ah ay ka qorteen Mareykanka si ay ugu dagaallamaan, waxaana sannandkii 2008-dii Soomaaliya u soo safray labaatameeyo dhalinyaro Soomaali-Mareykan ah, kuwaasoo ku dhintay dagaallo kala duwan oo ay Kooxda Al-Shabaab gashay.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment