Hargeysa, 14 May, 2015-(Himilo)- Beesha caalamka ee Somaliland ka taageerta geeddi-socodka dimuquraadiyadda iyo hirgelinta doorashooyinka, ayaa walaac weyn ka muujiyey go’aanka Golaha Guurtidu muddo gaadhaysa 21 bilood ugu kordhiyeen wakhtiga Xukuumadda, isla markaana sheegay in go’aankaasi halis weyn soo gaadhsiin karo guulihii nidaamka dimoqraadiyadda Somaliland.
Qoraal xalay ay wada-jir u soo wada saareen Qaramadda Midoobay, Ingiriiska, Maraykanka, Sweden, Switzerland, Denmark, Fransiiska iyo Jarmalka, ayaa lagu sheegay in go’aanka gaarkood u gaadheen Guurtidu aanu keliya qiimo-tirayn xasilloonidii iyo nidaamkii dimoqraadiyadda Somaliland, balse sidoo kale dhaawaci karo sumcadii iyo xidhiidhkii qotoda-dheeraa ee aanu la lahayn Somaliland.
Waxaan soo jeedinaynaa wada-xaajood dib loogu qaabeeyo wakhtiga doorashooyinka iyo muddo kordhinta Xukuumadda, sida Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) shalay soo jeediyey, wada-xaajoodkaa oo dib loogu eegi karo go’aankii Guurtida, laguna gaadho heshiis xal u noqda khilaafka taagan, looguna qabto doorashooyinka sida ugu dhakhso badan.
Qoraalkan ayaa lagu sheegay in saaxiibadda beesha caalamka ee Somaliland diyaar u tahay kala shaqeynta hawshan, isla markaana Wufuud ka socota beesha Caalamku booqasho la xidhiidha arrinkan ku iman doonto dalka toddobaadka soo socda.
Waxaan ka fekeraynaa culayska iyo cawaaqibka go’aanka Guurtida oo caqabad ku keeni kara dhismahii nidaamka gaarka loogu taageerayey Somaliland, sidoo kale waxaan u soo jeedinaynaa dhamaan dhinacyada ay khusayso ilaalinta guulihii doorashooyinka, lana sii daayo dhammaan inta loo xidhay arrimo siyaasaddeed.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment