Wasiiru-dawlaha Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa
Muqdisho, 14 May, 2015-(Himilo)- Wasiiru-dawlaha Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa, ayaa sheegay in isku-dhafka Ciidammada Soomaaliya tahay mid lagu adkaynayo Midnimada, isla markaana aanu ahayn mid lagu weerarayo Somaliland.

Maxamed Cali Xagaa, oo ka mid ah Ragga u dhashay Somaliland ee u shaqo-tegay Soomaaliya, isla markaana Guddoomiye u ah Guddiga isku dhafka Ciidanka Soomaaliya oo jawaab ka bixiyey digniin hore Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde uga bixiyey Ciidammo la sheegay in la keenayo Puntland ay halis ku keeni karaan Somaliland iyo waddamadda deriska, ayaa sheegay; “Hadal aan qof Mas’uul ah ku habbooneyn uu yidhi oo ah in Ciidammada loo dhisaayo Soomaaliya ay duullaan ku yihiin Somaliland iyo dawladaha deriska ah.”
Wasiiru-dawlaha Soomaaliya oo ka hadlayey digniinta Mr. Waran-cadde ka sheegay Ciidammada, ayaa yidhi; “Cali waxaan u maleynayaa albaabka uu garaacayaa inuu mid xidhan yahay, balse waxa furan albaab isu-keenka Midnimada iyo dib-u-heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed.”
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment