“Qofka shaqaalaha ahi wuxuu leeyahay sannadkii bil fasax ah mushaharkeed iyo bil xuquuq ah. Xeerku wuxuu dhigayaa in haddi qofku bukoodo dawada laga caawiyo. Xeerku wuxuu dhigayaa siddeed saacadood inuu qofku shaqeeyo, wixii intaas ka badan” – Agaasimaha Guud ee wasaaradda SHAQADA iyo arrimaha bulshada
Maxaa Xukuumadda uga Qorsheysayn Tabashooyinka ka taagan Shaqaalaha Ajaanibka ah?
Hargeysa, 01 May, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday qorshe lagu dhiiri-gelinayo aqoonyahanka iyo dhalinyarada dhammaystay jaamacadaha dalka, kaas oo natiijadiisu dhalatay xog-ururin iyo daraasad ay sameeyeen guddi madaxweynaha Somaliland u xil-saaray wax-ka-qabashada shaqo-la’aanta dalka.
Qorshahan oo qayb ka ah barnaamijka Shaqo-abuurka iyo tacaalista aafada Tahriibta, ayaa saamayn ku yeelanaya shaqaalaha ajaanibta ah ee ka hawl-gala hay’adaha Caalamiga ah ee waddanka ka shaqaysta, kuwaas oo la sheegay inay saamayn taban ku yeesheen baaxadda shaqo ee muwaadiniinta dalka oo la sheego in laga door-bido kuwa ajaanibka ah, iyada oo dalka gudihiisa ay ku sugan yihiin muwaadiniin karti ahaan iyo aqoon ahaanba la mid ah ama ka sarreysa dhiggooda ajaanibka ah ee hay’aduhu ka keensadaan waddamada dibadda.
Sidoo kale, waxa ay xukuumadda Somaliland ku hawlan tahay dejinta shuruuc si mug leh u taabanaya xuquuqda qofka muwaadinka ah ee shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo ganacsada kale u shaqeeya, kaas oo jidaynaya xuquuqaha qofku mag-dhow ugu yeelan karo dhibaatooyinka aan muuqan ee qofka ka soo gaadha xilliyada uu goobta shaqada ku gudo-jiro.
Arrimahan ku saabsan xuquuqda uu sharciga dalku siinayo shaqaalaha kala duwan ee ka hawl-gala hay’adaha Caalamiga ah iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, waxa Wargeyska Himilo xog-waraysi ka siiyey Agaasimeyaasha Guud ee wasaaradaha Qorshaynta Qaranka iyo Arrimaha Bulshada iyo Shaqada oo wasaaradahoodu ku shaqo-leeyihiin.
Wasaaradda A/Bulshada iyo Shaqada
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galeydh) oo shalay xafiiskiisa ugu warramay wariyeyaal ka tirsan Himilo, ayaa ugu horreyn ka war-bixiyey doorka wasaaraddiisu ku leedahay la-socoshada xuquuqda shaqaalaha muwaadiniinta ah ee hay’adaha caalamiga ah ka shaqeeya.
“Wasaaradda waxa khusaysa guud ahaan waxa shaqada la yidhaahdo, gaar ahaan shaqaalaha ajaanibka ah iyo kuwa muwaadiniinta ah ee shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha u shaqeeya.
Qof kasta oo heshiis kula jira hay’ad ama shirkad gaar loo leeyahay, ajaanib iyo muwaadinba, wasaaradda ayaa ku shaqo leh. Wasaaradda waxa kale oo shaqadeeda dejinta siyaasadda shaqo-abuurka.
Qaybta Arrimaha bulshadu iyaduna waa qayb aad u ballaadhan. Waxa ay khusaysaa qaybta Lammaanaha iyo Arrimaha qoyska, arrimaha carruurta, dadka naafada ah iyo dadka danyarta ah; dhammaanba wasaaradda ayay hoos-yimaaddaan. Marka laysku soo koobana, waxay wasaaraddu ku shaqo leedahay Arrimaha bulshada oo dhan iyo Loo-shaqeeyaha iyo shaqaalaha,” ayuu yidhi Md Maxamed Muuse.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada oo la weydiiyey xidhiidhka ka dhexeeya iyo qaabka ay shaqaalaha u qortaan hay’adaha Caalamiga ah ee dalka ka hawl-gala, waxa uu sheegay inay wasaaraddu leedahay xafiis ka gar-sooraha khilaafaadka dhex-mara shaqaalaha iyo loo-shaqeeyaha, isla markaana ay ka war-hayaan shaqaale kasta oo hay’adaha ka hawl-gala, ha ahaado muwaadin ama Ajaanib, isla markaana ay hay’aduhu u soo gudbiyaan wasaaradda nuqul ka mid ah heshiiska lala galay qofka shaqaalaha ah.
“Wasaaraddu waxay leedahay xafiis qaabilsan khilaafka shaqada ee dhex-mara loo-shaqeeyaha iyo shaqaalaha; ganacsade ha noqdo, hay’ad ha noqoto ama shirkad ha noqotee, marka khilaaf dhexmaro cidda u gar-naqdaa waa wasaaradda. Heshiisyada shirkadaha ama hay’aduhu la galaan shaqaalaha iyagoo xeerka dawladda raacaya, waxa ala wixii heshiis lala galo wasaaradda ayaa lagu soo xereeyaa, waxaana keenaya shirkadda ama hay’adda. Marka ay shaqaalaha qaadanayaan, Ajaanib ama Muwaadin, wax ala wixii ay ku heshiiyaan annaga ayay nala soo socodsiiyaan, si haddii khilaaf dhaco aanu ula soconno. Hay’aduhuna intaanay ogeysiiska (shaqada) baahin way nala socodsiiyaan oo ay yidhaahdaan waxaanu qaadanaynaa shaqaale noocaas ah, dabadeedna annagana xafiis la yidhaahdo EBS oo imtixaanaadka qaabilsan, ayaa xubno nooga tagaan oo si wada-jir ah, ayaa imtixaanka loo qaadaa, imtixaankuna wuxuu maraa saddex heer; qofka CV-giisa iyo shahaadadiisa ayaa la eegaa oo la kala shaan-dheeya, intii soo hadha ayaa imtixaan qoraal ah laga qaadaa, dabadeedna markaas ayaan Interview (Waraysi) ayay galaan, intabana wasaaraddu goob-joog ayay ka ahaataa. Shaqaalaha la qaataa waa laba; mid waa shaqaale caalami ah oo aan dalka laga helayn, midina waa kuwa mudaadiniinta ah oo annaga iyo wasaaradda Qorsheyntu waanu ka wada soconnaa,” ayuu yidhi agaasimuhu. Mar la weydiiyey kalsoonida ay ku qabaan nidaamka loo maamulo imtixaanka laga qaado dadka codsada boosaska ka bannaan hay’adaha caalamiga ah ee dalka ka hawl-gala, waxa uu sheegay inay kalsooni buuxda ku qabaan qaabka imtixaanka loo qaado, maadaama ay wasaarad ahaan goob-joog ka yihiin
Agaasimaha Guud waxa uu Mar la weydiiyey qorshaha wasaarad ahaan uga dejisan shaqaalaha Ajaanibka ah ee muwaadiniinta aqoonyahanka ah kaga fadhiya shaqooyinka ay Aqoonta, Kartida iyo Xaqa u leeyihiin ee hay’adaha caalamiga ahi dalka dibaddiisa ka keensadaan, waxa uu ku jawaabay, “Intii aanu nimi arrintaas waanu ka taxaddaraan wasaaraduhu, khaasatan wixii Ajaanib ahi waxay soo maraan wasaaradda Qorshaynta oo ka war-haysa, annaguna (Wasaaradda Qoyska) waanu la soconnaa, markaa khasab bay tahay inaanu ilaalino, muwaadinka ayaa xaq kaga leh, annaguna raalli kama nihin oo dawladdu xilbay iska saartaa shaqo uu qaban karo qofka muwaadinka ah cid kale inay qabato.”
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland, waxa uu daboolka ka qaaday qorshe xukuumadda Somaliland ku damacsan tahay inay ku dhiirri-geliso shaqaalaha muwaadiniinta ah si looga maalmo shaqaalaha Ajaaniibta ah ee hay’aduhu ka keensanayaan dibadda, isaga oo sheegay in arrintani qayb ka tahay barnaamijka shaqo-abuurka ee lagula jihaadayo aafooyinka shaqo la’aanta iyo tahriibta oo wax-ka-qabashadooda uu madaxweynuhu guddi heer wasiir ah u saaray.
“Waajib-baa naga saaran taas, waana shaqadayadii, Qorshaana nooga dhigan, waa la wadaa immika, madaxweynuhuna kii guddiga wasiirrada ah u sameeyey, kuwaasbaana hawsha wada, markaa arrintani barnaamijka shaqo-abuurka ayay ku jirtaa,” ayuu yidhi Md Maxamed.
Mar la weydiiyey sida ay wasaarad ahaan ku ilaaliyaan Xuquuqda qofka shaqaalaha ah ee ka hawl-gala hay’adaha caalamiga ahi, waxa uu sheegay in Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah oo Baarlamaanka dalku hore u ansixiyey qeexayo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha isla markaana hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ee dalka ka hawl-galaa ay haystaan xeerkaas, balse agaasimuhu ma sheegin inay xukuumad ahaan ku kormeeraan hay’adaha inay nidaamka shaqada ku dabbaqaan xeerkaas.
“Waxa jira xeer la yidhaahdo Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah. Qofka shaqaalaha ahi wuxuu leeyahay sannadkii bil fasax ah mushaharkeed iyo bil xuquuq ah. Xeerku wuxuu dhigayaa in haddi qofku bukoodo dawada laga caawiyo. Xeerku wuxuu dhigayaa siddeed saacadood inuu qofku shaqeeyo, wixii intaas ka badan waxay ku xidhan tahay wixii hadba lagu heshiiyo. Sidaas oo kale, waxa jira xeerka shaqaalaha dawladda oo Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa ku shaqo leh,” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray, “Wasaaradu waxay leedahay xafiis loo yaqaano Xafiiska Khilaafaadka Shaqo (Labour Dispute Section) oo u gar-naqa qofka shaqaalaah ah iyo loo-shaqeeyaha. Xafiiska waxa ka hawl-gala sharci-yaqaanno jaamacadda ka soo baxay. Qofku marka uu cabashadiisa noo soo gudbiyo, way u gar-naqayaan, dabadeedna qofku wuxuu leeyahay waa loo qoraa, haddii labada dhinac midkood ku qanci waayo, maxkamaddaa loo gudbiyaa.”
Agaasimaha oo ka hadlayey qaabka ay wasaraad ahaan ugu ilaaliyaan hay’adaha caalamiga inay dabbaqaan Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah, waxa uu sheegay in ay waajibaadkooda ka gutaan marka ay wasaaraddooda soo gaadho cabasho la xidhiidha khilaaf dhinaca shaqada ah, isla markaana ugu gar-naqaan xuquuqaha iyo waajibaadka uu jidaynayo Xeerka Shaqaalaha Rayidka ahi.
“Inta badan waxay isku qabsadaan Xuquuqdaas baa iga maqan iyo ma lihin, markay noola yimaaddaana waanu xisaabtansiinaa oo u gar-qaadnaa, laakiin wax kormeer ah oo inay xeerkii ku dhaqmayaan ah shaqadayada maaha.
“Hawshani wasaarado badan bay u taalaa, sida Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Maaliyadda, Laanta Socdaalka iyo Annaga oo kala shaqaynaya,” ayuu yidhi
Ugu dambayntii, waxa uu Agaasimaha Guud ee Wasaaraddu baaq u jeediyey muwaadiniinta Somaliland, waxaanu hambalyo ku aaddan maalinta shaqaalaha adduunka u diray shaqaale-weynaha Somaliland.
“Muwaadiniinta waxaan u sheegayaa, qofku markuu shaqo galay, waa inuu heshiis uu saxeexay uu galaa shaqada, waa inaanu heshiis la’aan shaqada ku gelin,” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray, “Ta labaad ee aan u sheegayaa waxa weeyi, inuu shaqadiisa ku ilaaliyo Xeerka (Xeerka shaqaalaha Rayidka ah) ku ilaaliyo, xeerkana uu ku shaqeeyo. Shirkadaha iyo hay’aduhuna ay iyaguna ilaaliyaan Xeerka.”
Doorka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdirashiid Axmed Guuleed oo isagana aanu ku booqaney xafiiskiisa, ayaa ka war-bixiyey doorka ay wasaarad ku leeyihiin xakamaynta xuquuqda shaqaalaha muwaadiniinta iyo kuwa ajaanibka ah ee ka shaqeeya hay’adaha caalamiga ah.
Isaga oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Hay’adaha caalamiga ahi waxay leeyihiin nidaam ay waddanka ku yimaaddaan. Wasaarad ahaan waxaanu u samaynaa sharcigii uu waddanka ku joogi lahaa. Wixii baahi ah ee shuruucda aynu leenahay buuxinayana way soo buuxiyaan oo foombaa la siiyaa.”
“Shaqaalaha ajaanibka ahi marka ay annaga noo yimaaddaan, waxaanu u gudbinnaa Wasaaradda Shaqada oo waxay eegtaa qofka CV-giisa iyo Aqoontiisa, inay meeshaasi tahay meeshii ku habboonayd ayaa la eegaa, hadduu uu ku habboonaan waayo, lama siiyo waraaqda ogolaanshiyaha inuu dalka ka shaqeeyo oo waa laga joojiyaa, haddii markaa iyagu u gartaan inuu qofkani waddanka ka shaqeeyo, way u jaraan waraaqda ogolaanaha inuu waddanka ka shaqeeyo, dabadeena taasbaa la geeyaa Maaliyadda (Wasaaradda Maaliyadda), cashuur bay bixiyaan oo sidaas lagaga qaadaa,” sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee wasaaradda Qorshaynta Qaranka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheyntu waxa uu sheegay inay wasaaradda Arrimaha bulshadu leedahay masuuliyadda ah la-socoshada imtixaanka laga qaado dadka shaqooyinka ka dalbada hay’adaha caalamiga ah ee waddanka ka hawl-gala, isla markaana ay awood u leedahay inay shaqada ka joojiso shaqaalaha Ajaanibka ah ee dalka gudihiisa ka hawl-gala.
Md Cabdirashiid Axmed Guuleed oo si guud ahaan uga hadlayey nidaamka shaqo-doonashada ee hay’adaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, waxa uu masuuliyadda khilaafka ka dhasha heshiisyada shaqo dusha ka saaray dadka muwaadiniinta ah oo uu sheegay inaanay inta badan sifooyinka sharciga u marin tabashooyinka la xidhiidha tacaddiyada ay goobaha shaqada kala kulmaan, taas oo waxyaabaha kallifaya uu ku sababeeyey duruufaha dhaqaale iyo shaqo-la’aanta dalka ka jirta.
“Qofku hadduu bukoodo oo uu garan-waayo dhakhtar u tag, dhibaatadeeday leedahay. Dadkani iyagaa ugu talo-galay in la rarto. Qofku hadduu dhibaato dareemo, xafiis baa furan ee waxay ahayd inuu xafiiska u soo dacwoodo. Xafiiskanina waligii wuu jiray, balse dadkeennu shaqada way iska galaan, sharci ma raacaan,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud, waxaanu intaas ku daray oo uu yidhi, “Waxaanu leenahay buug-yare ay ku qoran tahay dhammaan wixii looga baahan yahay oo dhan, kaasaannu siinnaa hay’adaha dalka yimaadda iyo shaqaalaha Ajaanibka ahba, shuruucda ku qoran buugaas haddii ay u hoggaansami waayaan, tallaabo sharci ahbaan ka qaadnaa, tusaale ahaan haddii ay bixin waayaan cashuuraha ku waajibay, iyadaa (maaliyadda) nagu soo war-gelisa (Qorsheynta), annaguna tallaabaanu ka qaadnaa.”
Md Cabdirashiid Guuleed waxa uu ka hadlay shuruuc loogu talo-galay in lagu ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha muwaadinka ah oo wakhtigan diyaarintiisa lagu hawlan, kaas oo wasaaraddu caafimaadku qayb ka tahay, waxaanu yidhi, “Shaqaalaha muwaadiniinta ahi shaqooyin kala duwan bay qabtaan, iyagoo laga yaabo xuquuqo badani inay kaga lumaan.Waxa ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya bakhaarrada sibidhka lagu rogo, waxa laga yaabaa inuu qofkaasi habeenkii dhex seexdo bakhaarka sibidhku ka buuxo, dabadeedna marka uu shan sanno joogo wixii ka dambeeyey inuu Kansar ka qaado ayaa suura-gal ah, taasna wixii lagaga baxayey waa la wadaa oo wasaaradda Caafimaadka ayaa wadda barnmaaij la yidhaahdo Health Safety (Badbaadada Caafimaadka). Midi waa shaqadii, midina waa qofkii shaqaynayey wixii ilaalinayey nabad-gelyadiisa, caafimaadkiisa; haddii isaga oo meel ka shaqaynaya kor wax kaga soo dhacaan, haddii cudur ku yimaaddo oo waxan uu ka shaqaynayo cudur ku keeno.”
Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Nuux Sh. Muuse Ducaale, ayaa faahfaahin ka bixiyey xeerarka iyo nidaamka ay ku maamulaan xuquuqda iyo tabashooyinka shaqaalaha dawladda, isaga oo sheegay inay hay’addoodu ku kooban tahay oo kaliya shaqaalaha Dawliga ah.
“Qof kasta oo ah shaqaale dawladda dhexe ah hawl yaraan laguma eryi karo, oo wasiir, wasiir ku xigeen iyo agaasime guud midkoodna ma eryi karo, maadaama oo cabashada shaqaalaha dawladda u badan tahay eri, waxaan leeyahay erigu waxa uu leeyahay nidaam loo maro oo wasaarad iyo hay’ad waliba waxay leedahay guddi anshax marin ah, qofka shaqaalaha dawladda dhexe ahi haddii uu danbi laf-jab ah galo isha looma marmaranayo oo annaga laf ahaantayo kuma taageerno, laakiin danbiyada khafiifka ah waa in marka koowaad digniin la siiyaa, haddana digniin labaad la siiyaa ka dibna waa in gudiga anshaxu ka fadhiistaan, oo la mariyaa wuxuu xaq u leeyahay ee uu siinayo xeerka shaqaalaha dawladdu oo ah sharci dhamaystiran oo lagu dhaqmo oo sheegaya qof waliba wuxuu xaq u leeyahay, shircigaas ayey wasaarad iyo hay’ad kastaa raacaysaa, kaasaana sheegaya xuquuqda shaqaalaha iyo marka ay danbi galaan halka la marinayo,” ayuu yidhi Md Nuux Sheekh Muuse Ducaale oo aanu weydiinnay xuquuqda ay leeyihiin shaqaalaha dawliga ah iyo qaab uu ku waayi karo xuquuqdiisa shaqaale.
Gud doomiyuhu waxa uu sheegay inay hay’addoodu leedahay guddi kooban guddoomiyaha, ku-xigeenkiisa iyo saddex xubnood oo hay’adda ka tirsan kuwaas oo ka hawl-gala cabashooyinka iyo raadinta xuquuqda qofka shaqaalaha ah.
“Waxa ka fadhiisata oo guddi ka kooban shan xubnood oo uu ku jiro guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladdu, marka aanu aragno waxaanu u saarnaa gudi gaar ah oo soo eegta in qofkaasi nidaamkii la soo mariyey isla markaana wax weydiisa qofka shaqaalaha ah ee cabanaya iyo masuuliyiintiisaba, waxaanay eegaan diwaanka shaqaalaha ee la hayo, waanu sii hubinaa, haddii lagu helo danbiga lagu soo oogay waxaanu taageernaa talaabadii masuulka, haddii lagu waayana waxaanu dib ugu soo celinaa xuquuqdiisi,” ayuu yidhi Nuux Sheekh Muuse Ducaale.
Marka laga yimaaddo, shuruucda ku xusan xeerarka shaqaale ee dalka u dejisan iyo waajibaadka hay’adaha masuuliyaddoodu khusayso kaga hawl-galaan, haddana waxa jira tabashooyin is-biirsaday iyo tacaddiyo shaqaalaha kala duwan ee dalka gudihiisa ka hawl-galaa ka tirsadaan goobaha shaqo ee ay joogaan, ha ahaado shaqaale dawladeed, mid hay’adeed ama kuwa ka hawl-gala goobaha ganacsi, kuwaas oo badankoodu aanay aqoonsanayn xuquuqaha ku xusan xeerarka shaqaale ee dalka, waxaana arrintaas inteeda badan sabab u ah gol-daloolooyin masuuliyadihii ay ka jira dhinacyada xukuumadda, dadka shaqaalaha ah iyo loo-shaqeeyeyaasha.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment