Friday, June 20, 2014

UNHCR Oo Maanta Soo Saartay Warbixin Tilmaantay In Tirada Qaxootiga Adduunku Gaadhay 45.2 Million oo qof

Nairobi:June,20,2014(Himilo)-Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga, ayaa Maanta oo ay ku beegan tahay maalinta loo asteeyey Qaxootiga Caalamiga ah waxa ay soo saartay Warbixin ay ku sheegtay in Tirada Qaxootida Si xad-dhaaf ah u sii kordhayso.

keekUHNCR hay’adda Qaxootiga Aduunka ayaa Warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dadka ka barakacay Colaadaha ka jira wadamo badan oo Caalamka ku yaala ay marayso tiradooda 45.2 Million oo qof.

Warbixinta UNHCR ayaa lagu sheegay Intii u dhaxaysay sanadihii 2011-ka ilaa 2012-ka in qaxooti ahaan loo diwaangashay dad ka badan 2.6 Milyan oo ruux oo ka soo barakacay wadamo ay dagaalo ka jiraan oo dalka Soomaaliya uu ka midyahay.

Qaramada Midoobay ayaa xustay in dadka Qaxooti ahaanta loo diwaan galiyay ay ku jiraan Soomaali badan oo maciin biday dalka dariska ay yihiin Soomaaliya ee Kenya lagana diiwaan galiyay Xerada qaxootiga ugu wayn aduunka ee Dhadhaab ee dalka Kenya, iyadoo sidoo kale tibaaxday in ay jiraan dhibaatooyin haysta Qaxootiga dunida ee ka barakacaya Wadamada ay dagaalada ka socdaan sida Soomaliya, Yeman , Suuriya, iyo Ciraaq.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment