
Guddida Diiwaangelinta waxa Arrintan Goob joog kala ahaa oo la kormeerayey Xisbiyada qaranka iyo urrurrada Bulshada, kuwaas oo indha-indhaynayey sida loogau shaqanayey qalabkan la doonayo in lagu sameeyo Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka.
“Saaka waxanu Halkan ku samaynaynaa tijaabo aanu ku samaynayno qalabka la doonayo in diiwaangelinta Lagu sameeyo, si ku celcelinta loo diido ayaa sawirka qofka ama indhaha laga qaadaa qofka, waxana aanu isla garanay in arrintaas lagaga hortagi karo in qofka sawirka Wiilka indhaha laga qaado, taas oo lagu ogaan karo cidda dhawr goor ku noqnoqotay, imikana waxanu wadnaa tijaabo, markaa Tijaabadii wixii ka soo baxa ayaanu eegaynaa inuu dantii aynu ka lahayn inoo fulinayo iyo in kale, wixii taas ka soo baxana ayeynu qalabka kub soo iibsanaynaa oo aynu diiwaangelinta weynna ku samaynaynaa. Waxa kale oo aanu saaka ogaanaynaa bal inta ay qofka ku qaadanayso.” Ayuu yidhi Guddoomiye Maxamed Axmed Xirsi Geelle oo hawshaas ka warramyey.
Somaliland ayaa lagu wadaa in dhawaan laga sameeyo Diiwaangelinta Codbixya-yaasha, taas oo laf dhabar u noqon doonta in dalka laga qabto Doorashooyin xor iyo xalaal ah.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment