
Hadalkan ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay tahay koox fir-ficoon oo marar kale weerarro ku qaadi karta Kenya, kaddib weerarro is-xigay oo kooxdan ay ka geysatay degmada Mpeketoni ee dalka Kenya, kuwaasoo ay ku dhinteen 63-qof oo askar iyo shacab isugu jiray.
Maraykanka ayaa uga digay muwaadiniintiisa inay safar ku aadaan Kenya inta joogtana ay la xidhiidhaan safaaraddooda Nairobi si loo caawiyo haddii ay lasoo gudboonaadaan khataro dhinaca ammaanka ah.
“Amniga Kenya xilligan ma ah mid la isku haleyn karo, waayo Al-shabaab waxay awood u leeyihiin inay weerarto meel kasta oo ka tirsan Kenya, sidaa awgeed waxaan muwaadiniinta Maraykanka ah uga digaynaa inaanay xilligan Kenya u safrin,” ayaa lagu yidhi warbixinta kasoo baxday waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka.
Dowladda Maraykanka iyo kuwa reer galbeedka ayaa hore uga digay inay Kenya ka dhici karaan weeraro argagaxiso oo dhiig badan uu ku daato, taas oo keentay inay dalalkaas qaarkood muwaadiniintooda kala baxaan halkaas.
Kenya oo ay booqdaan dad badan oo reer galbeed ah ayaa waxay sannadihii dambe la hirdamaysay weerarrada tooska ah iyo qaraxyada kaga imanaya Al-shabaab, kuwaasoo keenay inay hoos u dhacaan dalxiisayaashii tegi jiray dalkaas.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment