
Wasiirka ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya maamulka hawada Soomaaliya lagu maamuli doono magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isagoona intaas ku daray in ay awood ay u lee yihiin inay maamuli karaan maamulka hawada. “Markasta waxay noogu jawaabaan ma heli kartaan shaqaale iyo injineero qaban kara howsha, laakin arrintaas waxaan u sheegnay in aan heyno shaqaale nagu filan” ayuu yidhi wasiir Qorsheel.
Waxaa la weydiiyay sidda ay awood ugu yeelan karaan in ay maamulaan hawada Soomaaliya, maadama ay soo baxeen Gobollo ka Go’ay Somalia oo iskood u madax banaan sidda Somaliland, wuxuu xusay in Soomaaliya Air Space-keeda uu yahay mid qudha isla markaana hal meel laga maamuli doono.
Ugu dambeyn wasiirka oo hadda ku sugan dalka Canada ayaa carabka ku adkeeyay in uu la kulmay madaxda Qaramada Midoobay ee gacanta ku haya maamulka hawada Soomaaliya isla markaana laga soo wareejin doono dalka Kenya oo hadda laga maamulo.
Xukuumadda Somaliland, ayaan wali wax jawaab ah ka Bixin sheegashada Somalia ee Hawada soomaalida oo ahayd Hanti labada dhinac ka dhaxaysay, isla-markaana aanay cidi kaligeed la wareegi Karin iyadoo aan wax la isla meel-dhigin.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment