
Waxaa uu Mudane Karaash Halkaas kaga dhawaaqay Hadallo dhiif iyo colaad Huwan oo uu ciidankiisa dhegaha ugu riday, isagoo Halkaas kaga dhawaaqay inay Dagaal cad Geli doonaan.
Axmad Karaasha waxaa uu ku booriyey ciidamada uu shalay booqdey isaga iyo waftigii waheliyey shaqada ay hayaan, waxuuna sheegay inay xilli walba diyaar noqdan si ay u difaacan dhul uu sheegay inuu ka maqan yahay.
Xildhibaannada ciidanka booqdey oo kala ahaa:- Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad, Xildibaan Cali Dhagacade iyo Xildhibaan Kayse Cali Boob ayaa iyaguna waxaa ay si guud ugu hadleen mowqifka Puntland ee kaga aadan dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan ciidamada Somaliland, waxaana ay sheegen inay si weyn ugu diyaar garoobeen Dagaal uu sheegay inay Somaliland la Geli doonaan.
Hadalladan dhiillada leh ee ay masuuliyiintan Reer Puntland la yimaaddeen Xuduudda ay la leeyihiin Somaliland, ayaa kus oo beegmaya xilli Somaliland sheegtay inay diyaar u tahay inay wada Hadal ku dhamayso Xaaladda Deegaanada Bariga Somaliland, taas oo kaliya lagala Hadli karo Dadka Somaliland u dhashay ee saluugga muujiyey.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment