Saturday, June 21, 2014

“Waxaan Kagame u jecelahay in ka badan sida aan u jeclahay Madaxweynaha Soomaaliya” – Danjire Cabdilaahi Sheekh

Kigali, 21 June, 2014 (Himilo)- Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Rwanda Cabdillahi Sheekh Maxamed, ayaa sheegay inuu jecelaan lahaa in Madaxweynaha Rwanda Paul Kigame ahaado madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana tilmaamay siduu u jecel yahay.

Safiir Cabdillahi oo wareysi siiyey wargeyska Great Lakes Voice ee ka soo baxa caasimada Kigali, ayaa sheegay in Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame tusaale lagu deydo u yahay qaarada Afrika, uu ka jecel yahay madaxweynaha Soomaaliya, waxaanu yidhi, “Waxaan Kagame u jecelahay in ka badan sida aan u jeclahay Madaxweynaha Soomaaliya”

Cabdillahi Sheekh, safiirka Soomaaliya ee dalka Rwanda oo ka hadlayey warar sheegayey in la xidhi doono safaaradda dalkaas sababo dhaqaale awgeed, ayaa warkaas beeniyey isla markaana sheegaya inaanay jirin qof xilka ka qaadi kara, isaga oo sheegay inuu awood u leeyahay inuu shaqada ka ergyo wasiirka Arrimaha Dibedda.

“Wararkaasi waa been. Qofna kuma dhaco inuu I eryo. Ii sheeg ma wasiirka Arrimaha Dibeda; awood waxaan u leeyahay inaan eryo,” ayuu yidhi safiirka Soomaaliya ee Rwanda.

Somali-ambasadorSafiir Cabdillahi waxa uu meesha ka saaray warar sheegayey in xukuumada Somaliya xilka uga qaadayso sababo la xidhiidha xil-gudasho la’aan lagu eedeyey.

Safiirka Soomaaliya waxa uu ka warramay saamaynta Soomaalidu ku leedahay ganacsiga dalka Kenya, waxaanu yidhi, “Shirkadaha Hass Energy iyo Olypic Energy waxay u soo dhoofiyaan shidaal dalka Rwanda, dhowaan ganacsiga kaluunka ayaa iman doona.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment