Saturday, June 21, 2014

Madaxweyne Silaanyo Oo Bulshada Ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Ganacsade Axmed Xuseen Kooshin

Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa guud ahaan bulshada somaliland ka tacsiyadeeyey geerida ku timid marxuum Ganacsade Axmed Xuseen Kooshin oo ku geeriyooday magaalada gabiley.

xafiiska afhayeenka madaxtooyada oo goor dhaweyd na soo gaadhsiiyey war saxaafadeed ku saabsan tacsi madaxweyne ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Ganacsatada Dalka, Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka baxay Ganacsade Axmed Xuseen Kooshin oo ku geeriyooday 21.06.2014 Magaalada Gabiley.

 

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku tilmaamay Ganacsade Dalka ka baxay door mihiimana ku lahaa dib u dhiskiisi iyo nabadayntii beelaha Somaliland wada dega.

 

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ganacsatadii, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan ha ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment