
Guddoomiyaha ayaa xusay in uu Go’aansaday in la soo afjaro murankii xisbiga ee Musharraxnimada Xisbiga,
“Halkan maanta waxan iskugu nimi warar warbaahinta Badankoodu qoreen, xisbiga Kulmiye Muddo saddex sano ah ayuu khilaaf siyaasi ah ku soo jireen, Khilaafkaasina waxa uu salka ku hayey Musharraxa madaxweyne-nimo, waxaana aakhirkii isa soo horjoogsaday Aniga iyo madaxweynaha, Haddii Tartan dhacana cidbaa adkaata, kulmiye-na musharrax qudha ayuun buu yeelanaya sida xisbiyada kale” ayuu yidhi Muuse Biiixi cabdi.
Guddoomiye Muuse waxa uu tilmaamay inuu noqdo qofka ka hadha Tartanka Doorashada madaxtinimada ee Xisbiga, isla-markaana uu Si Buuxda Go’aan ugu gaadhay inuu siilaanyo ahaado Musharraxa Xisbiga, waxana uu yidhi,
“Markii kulmiye iyo odayaashiisii isku yimaaddeen ninka la reebay ee laa-laabtay waa aniga, taana waan qaatay, ninka musharrax ah ee xisbiga loo daayeyna waa Madaxweynaha, waana ciyaar (Game) ah oo siyaasadda iyo noloshuba ay leedahay.”
Guddoomiye Muuse Biixi ayaa farta ku fiiqay inaanu dhibaato u arkin haddii uu ka tago musharraxnimada Xisbiga, waxaana uu yidhi,
“may ahayn inuu nin waliba yidhaadhdo mushrraxnimada waan qaadanayaa, ma noqonayso haddii la I reebo waan dudayaa, ma noqonayso haddii Gardarro iyo wax la iigeysto ciil baan ku qabayaa oo lexejeclaanu ka qabnaa mustaqbal dheer oo boqolaal sano ah inuu dalka ka taliyo ayaanu doonaynaa, Aniguna waxba ma waayayo Haddii aan musharrxnimo ka Hadho.”
Waxa ii Tilmaamay inuu qaatay Talooyinkii ay soo jeediyeen waxgaradka dalku oo ay ugu horreeyaan Guurtidu, waxana uu yidhi,
“wax waliba sida uu madaxweynuhu yidhi raac baa la igu yidhi waan aqbalay tiiyoo umadda oo dhami maqlayso, qolada ganacsatada ah ee imika arrinta gashay waxay raaceen waddadii Guurtida, waxaana aan u arkaa wax caadi ah oo aan laga Dudin, Waxoogaa dhibaatada ahaa ee Xisbiga ka dhex dhacayna way iska dhammaanayaan.”
Hadalkan Guddoomiye Muuuse Biixi ayaa soo afjaraya Muran iyo is qabqabsi siyaasadeed oo muddo dheer soo taxnaa, waxaana Gebi ahaanba si buuxda uu u caddeeyyey inuu Siilaanyo yahay Musharraxa kaliya ee Xisbiga Kulmiye Doortay inuu Doorashooyinka Madaxweynenimo u metelo xisbiga.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment