Thursday, June 19, 2014

Dawladda Somaliland oo Heshiis muhiim ah la gashay Midowga Yurub iyo Nuxurka Qodobbada uu Xambaarsan yahay

“Khubarada EUCAP Nestor waxay joogi doonaan Somaliland, waxaanay ka wada-shaqayn doonaan horumarinta Ilaalada Xeebaha, Booliska iyo Garsoorka si kor loogu qaado adeegyada ammaanka Badaha.” Madaxa Hawl-galka EUCAP Nestor, Etienne de Poncins

                                                       

“Heshiiskani waxa uu shacabka Somaliland uga dhigan yahay, bogaadin Midowga Yurub ugu jeedinayo doorka fir-fircoonida iyo masuuliyaddu ka muuqato ee Somaliland ka ciyaartay…” Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi

 

 

Hargeysa, 19, June, 2014 (Himil)- Dawladda Somaliland iyo Midawga Yurub, ayaa kala saxeexday heshiis dhawr qodob ka kooban oo ku saabsan iskaashi dhinaca Xeebaha, kaasoo dhigaya in Ciidammada ilaalada Xeebaha, Booliska iyo Garsoorka Somaliland laga caawiyo dhinacyo kala duwan oo la-dagaallanka Budhcad-badeedda iyo ilaalinta Xeebu ku jirto.

Waxa kale oo ka mid ah heshiiskaas in Ciidanka ilaalada Xeebaha ee Somaliland iyaga oo ku filan, awoodna u leh sugidda Baddooda ay la wareegaan ilaalinta Xeebaha dalkooda marka la gaadho 2016-ka iyo waxyaabo kale.

Somaliland oo hore ugu jirtay heshiisyo la xidhiidha la-dagaallanka Budhcad-badeedda iyo Argagixisada, ayaa heshiiskan ay xalay (shalay) ku kala saxeexdeen Huteelka Ambassator ee magaalada Hargeysa Midawga Yurub waxa uu u muuqdaa mid wax wayn u ah dalka, isla markaana hore u marin kara Ciidamada ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibad lagu saxeexay heshiiska dhawrka qodob ka kooban sida la sheegay ayay isugu yimaaddeen Masuuliyiin ka kala socday dawladda Somaliland iyo Midawga Yurub waaxda u qaabbilsan tabobbarrada iyo ilaalinta Xeebaha (la-dagaallanka Budhcad-badeedda), ayaa lagu qabtay Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa, kaasoo ay labada dhinac ku kala sexeexdeen heshiiskaas.

IMG_0050Dhinaca Somaliland waxaa heshiiskaas u saxeexay Wasiirka arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah Maxaed Biixi Yoonis, halka geesta kalena uu u saxeexay Madaxda Midawga Yurub u qaabbilsan Madaxa Hawl-galka EUCAP Nestor, Mr. Etienne de Poncins Bariga Afrika oo fadhigiisu yahay magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana goob-joog ka ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde.

War-Saxaafadeed ku qornaa Luuqadda Ingiriisida oo uu xalay soo saaray Afhayeenka guud ee Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Siciid Cali Muuse, oo nuqul ka mid ah uu soo turjimay Wargeyska Himilo, ayaa u dhignaa sidan:- “Maanta oo bishu tahay 18 (Shalay (xalay) oo ay bishu ahayd 18), Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Madaxa hawl-galka EUCAP Nester (Hawlgalka Midawga Yurub ee la-dagaallankd Budhcad-badeedka) Mr. Etienne de Poncins, waxa ay saxeexeen heshiis seeska loogu dhigayo iskaashi horumarineed oo dheeraad ah oo u dhexeeya Somaliland iyo EUCAP

EUCAP Nestor waa Waaxda Hawl-galka Midowga Yurub u qaabbilsan tabobbarka iyo caawinta ammaanka Badaha, waxaanay Somaliland wada-shaqayn fir-fircooni ka dhaxaysay illaa 2013-kii, waxaanay dedaalkooda xoogga ku saareen caawinta iyo horumarinta Ilaalada Xeebaha Somaliland oo marka laga yimaaddo in aanay haysan qalab ay ku hawl-galaan, guul la taaban karo ka gaadhay inay Xeebahooda ka dhigaan mid ka caaggan Budhcad-badeeedda, iyada oo gobolka ay ku yaallaan ay ka buuxaan dambiyada la xidhiidha Budhcad-badeednimada.

Bishii March 2014, EUCAP Nestor waxay xafiis ka furatay Hargeysa, kaasoo u oggolaanaya inay ka hawl-galaan gudaha Somaliland. Wixii intaas ka dambeeyey Shuruucda EUCAP Nestor, khubarada Badda iyo Booliska ee xaruntoodu tahay Nairobi oo taageero ka helaya Xaruntooda guud ee Djibouti, isla markaana kaashanaya Hoggaanka Xafiiska xidhiidhinta Ka-hortagga Budhcad-badeed ee Somaliland, waxa ay dib u eegis ku samaynayeen qaab-dhismeedka shuruucda ee Ilaalada Xeebaha Somaliland, waxaanay bilihii u dambeeyey qabteen dhowr tabbobar.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka dib saxeexa heshiiska hadalkan sheegay, “Waxaan soo dhawaynayaa saxeexa heshiiskan, waxaanan rejaynaynayaa inaannu kor u qaadno iskaashiga aannu la leenahay EUCAP Nestor, gaar ahaan hawl-galkooda ay ka bilaabeen Somaliland. Heshiiskani waxa uu shacabka Somaliland uga dhigan yahay, bogaadin Midowga Yurub ugu jeedinayo doorka fir-fircoonida iyo masuuliyaddu ka muuqato ee Somaliland ka ciyaartay, waannu sii socon doonaa la-dagaallanka xaaladaha suurto-gelinaya inay Budhcad-badeed ka hawl-gasho gobolka. Marka kor loo sii qaado ammaanka Badda, Somaliland waxa ay ka sii badsan doontaa fursado ay kaga faa’idaysato kheyraadka ku duugan Xeebaha Baddeeda oo dhererkeedu yahay 860 KM, si loo horumariyo nolosha gudaha dadkayaga una kasbanno koboc ku yimaadda dhaqaalaha gobolka.”

Madaxa Hawl-galka EUCAP Nestor, Etienne de Poncins oo ka hadlay heshiiska ay wada sexeexdeen Somaliland, waxa uu yidhi; “Heshiiskan maanta (shalay) la saxeexay waa tallaabo hore loogu qaaday. Heshiiskeenna iskaashi, waxa uu fursad u siinayaa EUCAP Nestor inay si joogto ah u taageerto Hay’adaha Somaliland ee wada-shaqayntu ka dhaxayso, waxaanay ka caawin doontaa dib-u-dhiska Ilaalada Xeebaha iyo Garsoorka. Khubarada EUCAP Nestor waxay joogi doonaan Somaliland, waxaanay ka wada-shaqayn doonaan horumarinta Ilaalada Xeebaha, Booliska iyo Garsoorka si kor loogu qaado adeegyada suurta-gelinaya ammaanka Badaha.”

Si looga shaqaysiiyo iskaashigan, waxa la sameeyey Qorshe lagu duulo oo ay iska kaashanayaa Xafiiska Ka-hortagga Budhcad-badeedda ee Somaliland (CPC) iyo Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabbilsan Dunuubta iyo Mukhaadaraadka (UNODC). Waxaana Isu-duwe looga dhigay Qorshaha, isla markaana Madax u noqonaya Madaxa cusub ee loo magacaabay Xafiiska Hawl-gelinta ee EUCAP Nestor ku leedahay Somaliland.

Somaliland oo leh Xeeb dheer oo Khayraad badan, ayaa hore heshiis ugula jirtay Qaramada Midoobay iyo Midawga Yurub, kuwaasoo ku saabsanaa la-dagaallanka Budhcad-badeedda iyo in Xabsiyada Somaliland gaar ahaan Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa loo soo wareejin karo Maxaabiista Soomaalida ah ee falalka Budhcad-badeednimo ugu xidhan dalalka dibedda haddii ay dalbadaan.

Waxaana Xabsiga dhexe ee Hargeysa ku xidhan Maxaabiis Budhcad-badeednimo ugu xidhnaa dalka  Seychelles oo ay Maxkamadda dalkaasi ku xukuntay xadhig dheer. Iyada oo ay jiraan Maxaabiis ay Somaliland sheegtay inay yihiin Budhcad-badeed ay Ciidammada ilaalada Xeebaha Somaliland Badda ku qabteen oo ay Maxkamadaha Somaliland ku rideen xukunno kala duwan oo iyaguna weli qaarkood ku xidhan yihiin Xabsiyada magaalooyinka dalka.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment