Saturday, June 21, 2014

Ujeeddada Wefti ka socda Dawladda Turkiga oo ka soo Tallaabay Xuduudka Jabuuti iyo Kulan Maamulka gobolka Selal la qaatay

Saylac, 21 June, 2014 (Himilo)- Wefti ka socda Dawladda Tukriga oo dhinaca Xuduudda dalka Jabuuti ka soo taallaabay, ayaa shalay soo gaadhay magaalada Saylac ee Xarunta Gobolka Selal, kuwaas oo kormeer ku samaynaya waddo isku xidhaysa Somaliland iyo Jabuuti oo dawladda Turkigu Maal-gelinayso.

TUKRIGAMaamulka gobolka Selal, Ka Degmada Saylac, saraakiil ka tirsan Ciidamada ammaanka ee gobolkaas, ayaa magaalada Lawya-caddo ee xuduudka Somaliland la wadaagto Jabuuti kaga hor-tagay weftiga ka socday dawladda Turkiga oo tiradoodu ahayd todoba xubnood, kuwaas oo markii dambe la soo gaadhsiiyey magaalada Saylac, halkaas oo ay kulamo kula qaateen masuuliyiinta dawladda ee heer gobol.

Guddoomiyaha gobolka Selal, ku-xigeenkiisa, Maayarka degmada Saylac, taliyaha Qaybta booliska ee gobolka iyo saraakiil kale, ayaa xafiiska maamulka gobolka kulan kula qaatay weftigan oo ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidho kormeer ay ku samaynayaan mashaariic isugu jirta dhismayaal laga hirgelinayo degmada Saylac iyo waddo isku xidhaysay magaalooyinka Saylac iyo Law-yacaddo.

Badhasaabka gobolka Selal Cabdirisaaq Waaberi Rooble, ayaa kulankoodaas ka dib, ka hadlay waxyaabaha ay ka wada-hadleen weftiga dawladda Turkiga iyo ujeeddada uu darran yahay socdaalkoodu.

“Weftigani dhowr jeer oo horena way yimaaddeen, immikana mashruucii ayaa u bilaabmaya. Waanu wada-hadalley, waxay noo sheegeen inay bilaabayaan oo dib-u-dhis ku samayn doonaan dhismeyaasha dunsan ee magaalada Saylac iyo goobaha Taariikhiga ah oo ay wakhti dhowr bilaabayaan oo ay u soo deji doonaan Saylac,” ayuu yidhi Badhasaabka Selal.

Waxa kale oo badhasaabku sheegay, “Mashruuca waddaduna wuu ku jiraa laakiin waxa uu ka dambayn doonaa laba bilood oo qandaraaskii waa la bixiyey oo shirkaddii ku guulaysatay ayaa iman doonta,” ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Selal.

Socdaalka Weftiga Turkigu shalay ku yimaaddeen magaalada Saylac, ayaa daba-socda safar todobaadkii hore ay dalka Jabuuti ku tageen Wasiirrada Madaxtooyada, Qorsheynta Qoranka iyo Dib-u-dejinta, kuwaas oo kulan la yeeshay safiirka Turkiga u fadhiya dalka Jabuuti. Weftiga Wasiirrada ah, ayaa markii dambe safar dhulka ah ku yimi degmada Saylac halkaas oo ay kormeer ku sameeyey dhismaha waddo isku-xidhaysa Saylac iyo magaalada Xuduudda ku taala ee Lawyacaddo, taas oo dawladda Turkigu maal-gelintiisa bixinayso.

Himilomedia.com                                                

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment