“Waxaannu u sheegaynaa dawladda, magaalada Burco inuu Khamrigu dariiq walba sida Qaadka u yaallo oo loogu iibinayo oo aad arkayso hadhka cad..inta Caagadaha Biyaha lagu shubo Tallaagadaha lagu qaboojisanayo..” Dadweynaha reer Burco
Burco, 21, June, 2014-(Himilo)- Dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa cabasho ka muujiyey Maan-dooriyaha Khamriga oo ay ku cawdeen inuu buux-dhaafiyey Suuqyada iyo qaybaha kala duwan magaalada yaalla oo si caadi ah loogu iibiyo, isla markaana soo badashadiisu keentay in Magaalada lagu arko Rag iyo Dumar u badan dhalinyaro, kuwaasoo qaarkood oo isugu jira Wiil iyo Gabhdo Maxkamadda lagu keenay.

Haddaba, qaar ka tirsan dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco oo u warramay Idaacadda Hirad, ayaa ka warramay dhibaatadaas soo badashada Khamriga. “Waxaannu u sheegaynaa dawladda, magaalada Burco inuu Khamrigu dariiq walba uu sida Qaadka u yaallo oo dariiq walba lagu iibinayo oo aad arkayso hadhka cad isagoo meel walba yaalla oo inta Caagadaha Biyaha lagu shubo Tallaagadaha lagu qaboojisanayo, oo aan cidi sidaa u eegaynin. Markaa, waxaannu codsanaynaa inay dawladdu wax ka qabato.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Ragga da’da dhexe ah ee ku dhaqan magaalada Burco.
Sidoo kale, mid ka mid ah Ragga dhalinyarada ah ee reer Burco, ayaa sharraxaya sida loo cabbo khamriga ku badanaya magaalada Burco iyo meelaha lagu cabbo waxaanu yidhi; “Magaalada Burco waxaad ku arkaysaa iyadoo Suuqyada iyo Xaafadaha magaalada Lagu cabbayo habeen iyo maalinba, waxaad arkaysaa iyagoo Dhalinyar iyo Waayeel dad isugu jiraa cabbayaan, dhalinyaradu ha u badnaadeene. Dhalinyarta waxa sabab u ah inay cabbaan Maan-dooriyaha iyo Balwadaha kale waa shaqo la’aanta ka jirta gobolka sidaan u arko.”
“Berigii hore Khamriga waxaa cabbi jiray Ragga, laakiin immika Burco waxaabay gaadhay heer ay cabbaan Dumarkuna.” Sidaa waxa tidhi mid ka mid ah Haweenka ku dhaqan magaalada Burco. Waxay dadkan Idaacadda la hadlay ee reer Burco qaarkood ku doodeen in dhibaatada kordhisay Khamriga ay qayb wayn ka tahay dhalinyarada tirada badan ee Jaamacadaha iyo Dugsiyada sare ka soo baxaya oo sannadba sannadka ka dambeeya tiradoodu sii badanaysa, halka ay shaqo yaraantuna soo badanayso, taasiina ay sabab u tahay markay gidaarrada weheshadaan camal la’aan darteed, ka dibna ay u fududaatay cabbitaanka Khamriga iyo isticmaalka daroogooyinka kale ee Qaadka, Sigaarka iyo waxa la midka ahba.
Haddaba, Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Togdheer, ahna Ku-simaha Badhasaabka gobolkaas Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle), oo Radio Hirad wax ka weydiisay waxa ay ka qabteen cabashada Khamriga ku soo badanaya magaalo-madaxda gobolka ee Burco oo ay dadweynuhu aad uga cabanayaan, isla markaana waxa uu ku dooday inay Ciidanka Booliska heegan geliyaan saacadaha dambe ee habeenkii si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa waxyaabaha magaalada soo galaya, kuwaasoo uu xusay inay sameeyeen dadaal dheer oo ay kula dagaallamayaan in Khamri la soo geliyo magaaladaas.
“Annagu ka Maamul ahaan dedaal dheer baannu u galnaa sidaannu ula dagaallami lahayn dhammaan Maan-dooriyeyaasha iyo waxyaabaha ku xaaraanta ah Diinteenna Islaamka, amnigeenna Qaran iyo jiritaankeennana khalkhal-gelinaya. Markaa, Khamrigu runtii waa halis jirta oo ka mid ah waxyaabaha aynaan caadada u lahaan jirin Diin ahaan iyo dhaqan ahaan toona ee ku soo badanaya Mushtameceenna, waxaanan rejaynayaa inaannu wax badan ka qabannay, kana qaban doonno.” Sidaa ayuu yidh Badhasaab Ku-xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle).
Ku-xigeenka Guddoomiyaha gobolka Togdheer Mr. Ubaxle, waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Waxaannu samaynay dedaal, waxaannu heegan gelinnaa habeenkii Booliska oo iyaga laftoodu sameeya dedaal dheer oo ay kaga hortagayaan sidii ay ula dagaallami lahayeen Khamriga oo ay kula dagaallamaan magaalada gudeheeda illaa iyo Xuduudka, waanannu sii waydaynaa dedaalkaas. Laakiin, dadka Khamriga wadaa waa Shar-wadayaal.”
Badhasaab Ku-xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle), waxa uu sheegay inay laban-laabayaan dedaalkooda ay wax kaga qabanayaan Maan-dooriyaha ku badanaya magaalada Burco, waxaanu yidhi; “Inkasta oo juhdi iyo dedaalla la galo oo xuuraan la diro oo dhar-cad la diro oo wax kasta la diro, haddana lama waayayo meel uu dalluunsado oo ka soo duso. Runtii aad iyo aad baannu uga hawlgalnaa hadda, waxaana qorshaha noogu jirta sidii aannu wax weyn uga beddeli lahayn la-dagaallanka Maan-dooriyaha ee aannu uga ilaalin lahayn Magaalada, Gobolka iyo guud ahaan Qaranka.”
Toddobaadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii Maxkamadda gobolka Togdheer ee magaalada Burco la keenay dhawr Dumar ah oo lagu soo eedeeyey inay cabbayeen Maan-dooriyaha Khamriga, kuwaasoo illaa hadda Xukun-sugayaal ku ah mid ka mid ah Saldhigyada Booliska ee magaaladaas, kuwaasoo la sheegay inay yihiin Haweenkii u horreeyey ee dacwad la xidhiidha inay Khamri cabbeen Maxkamadda magaalada Burco lagu horkeeno.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment