Saturday, June 21, 2014

WAR DEG DEG AH: Muuse Biixi Oo Ka Tanaasulay Musharaxnimada Jagada Madaxweynaha Ee Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (Himilo) Kulan laba geesood ah oo dhexmaray Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud  (Silaanyo) iyo Guddoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhamaaday is af garad, ka dib markii Muuse Biixi ka tanaasulay go'aankiisii uu hore ugu dhawaaqay ee ahaa inuu u sharaxan yahay jagada madaxweynaha ee xisbiga kulmiye, isla markaana uu kula tartami doono madaxweyne Silaanyo xisbiga kulmiye dhexdiisa.

Kulankan oo ku qabsoomay qasriga madaxtooyada ayaa waxa la sheegay inay suurto galiyeen xubno ka mid ah ganacsatada  beesha uu ka soo jeedo Muuse Biixi.

muuse biiiixiwararka ka soo baxaya kulankan ayaa sheegaya in Guddoomiye Muuse Biixi uu madaxweynaha ku wargaliyey inuu ka tanaasulay musharaxnimadii madaxtinimada ee uu hore ugu dhawaaqay, sidaasi awgeedna uu taageero buuxda la garab taagan yahay Madaxweyne Silaanyo, isla markaana ka shaqeyn doono sidii mar kale uu xisbiga kulmiye ugu guulaysan lahaa doorashada soo socota.

intaasi ka dibna Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa u mahad celiyey Muuse Biixi.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment