
Ergayga Midogwa Afrika ee Soomaaliya Amb. Annadif ayaa si rasmi ah xilka u wareejinaya 02 July 2014 sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa kadib is casilaaddiisa.
Ambassador Annadif ma caddeyn sababta uu uga tegaayo xilka waxaase wararku sheegayaan in todobaadkii hore uu u gudbiyey Midowga Afrika is-casilaadiisa, taas oo laga aqbaley, waxaana warar aan la xaqiijin sheegayaan in ay salka ku hayso muran u dhexeeya isaga iyo dalalka Itoobiya iyo Kenya oo Xagga dambe kaga soo biiray Hawlgalka Midowga Afirka ee AMISOM.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment