Thursday, June 19, 2014

Ingiriiska oo werwer ka muujisay halis uga timaadda Dalalka Ciraaq iyo Soomaaliya

“Haddaynu hore gacmaha uga laabanay Suuriya, waa inaan garab siinaa Ciraaq iyo Soomaaliya, sababtoo ah mushkiladahaasi”

 

London, 19 June, 2014 (Himilo)- Raysal-wasaaraha dalka Ingiriiska, David Cameron, ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan waddamada Ciraaq iyo Soomaaliya ay saamayn ku yeelanayso dalkooda, loona baahanyahay tallaabo lagaga hortago inta aanay u soo talaabin.

David-Cameron-006Raysal-wasaare Cameroon ayaa sheegay in Kooxaha ka dagaalama Waddamada Ciraaq, Soomaaliya, Nayjeeriya iyo Mali, dib ugu soo laaban karaan dalkooda, weerarana ka geysan karaan, haddii Ingiriisku gacan ka geysan weydo xasilinta wadamadaas.

Raysal-wasaare Cameroon oo hadalkan ka hor-jeediyey dood ka dhacday baarlamaanka dalkaas, ayaa ujeeddadiisu ahayd inuu ku qanciyo goleyaasha sharci-dejinta dalkaas faro-gelin milatari oo dalkiisu ka geysto dalka Ciraaq, isaga oo u muuqday hadalkiisu mid jawaab u ah feker uu gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka Ed Milliband ku soo jeediyey in aanu Ingiriisku awoodi karin inuu faraha la galo xaalada Ciraaq.

"Lama qabo fikirka kuwa moodaya inaan mushkilada taala Ciraaq saamayn ku lahayn Ingiriiska, waxaan leeyahay wuu inna soo gaadhayaa,” ayuu yidhi.

Raysal-wasaaraha Ingiriiska ayaa sheegay in kooxaha Islaamiyiinta ah ee doonaya inay qabsadaan waddamadaas ay sidoo kale qorsheynayaan inay weeraro ku qaadaan dalkooda, loona baahan yahay tallaabo deg-deg ah oo lagaga hortago.

"Haddaynu hore gacmaha uga laabanay Suuriya, waa inaan garab siinaa Ciraaq iyo Soomaaliya, sababtoo ah mushkiladahaasi waxay ku soo noqonayaan gudaheena, hadaan gacmaha ka laabano,” ayuu yidhi Reysal-wasaare David Cameroon.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment