Thursday, June 19, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo kulan qasriga madaxtoooyada kula yeeshay Safiir-ku-xigeenka Dawladda Britain u fadhiya Magaalada Addis Ababa.

Hargeysa:June,19,2013(Himilo)-Madaxeynaha Jamhuuriydda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiir-ku-xigeenak Dawladda INgiriiska u fadhiya Magaalada Addis Ababa Cris Allen.

ciriKulanka oo Saxaafaddu dibadda ka joogtay ayaa si weyn loogu qaadaa dhigay Xidhiidhka fiican ee Somaliland iyo Ingiriiska ka dhexeeya , iyadoo Safiirkana si mug leh loogu sharraxay inay Somaliland tahay dal nabadda jecel oo ku soo caano maalay.

 

Kulankan madaxweynaha waxa kala qayb galay xubno ka tirsan Golaha wasiirrada oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Madaxtooyada, Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda.

,

Kulankan waxa sida uu wasiir Maxamed Biixi  Yoonis Sheegay  loogu sharraxay Safiir ku-xigeenka inaanay Somaliland cidna duulaan ku ahayn, isla-markaana ay gudanayaan xil iyo waajib ka saaran Muwaadiniin dalka u dhashay oo ay dhibaato ku hayaan maleeshiyooyin qas doonayaa.

Waxa loo sheegay inay Somaliland diyaar u tahay inay nabad kula noolaato dalalka ay jaarka la tahay, isla-markaana ay qabteeda ka qaadanayso dagaalka lagula jira Argagixisada iyo Budhcad-badeedda.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis waxa uu uu sheegay inay safiirku-xigeeka dalka yimi ka dhaadhicyeen inay xuduudaha Somaliland yihiin kuwii  uu ingiriisku dhigay oo aanay ahayn qaar muran ka taagan yahay, isagoo intaas ku daray in Dadka Gobolada Bariga Somaliland ku nooli si weyn u soo dhaweeyeen ciidamada qaranka Somaliland ee Halkaas Dhawaan gaadhay.

 

Kulankan ayaa ahaa mid u jeeddadiisu ahayd sidii Dawladda Ingiriiska looga dhaadhicin inaanay Somaliland     Faraha la gelin dhul muran ka taagan yahay oo la isku Haysto, balse ay Gaadhay deegaano ka mid ah dhulkeeda oo si fiican loo yaqaano.

 

Himilo Media


 

No comments:

Post a Comment