
“Ma garan karo wax muran ah oo seerayaasha ka taagan, seerayaashuna wasaaraddayda ayey hoos yimaaddaan, marka horena dhirta iyo daaqaannu nahay, degaanka kalenna wuu ku hoos jiraa, laakiin marka dhir la yidhaa, waa annaga, daaq marka la yidhaana waa annaga, daaqii iyo dhirtii mar hadday na hoos yimaaddaan waxaannu kala shaqaynaynnaa waa wasaarado oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha ayaannu is-dhex galaynaa. Wasaaradda Biyaha ayaannu is-dhex galaynaa, laakiin markay dhirta iyo daaqa timaad labaduba wasaaraddayada ayey hoos yimaaddaan,” sidaas ayey tidhi Marwo Shukro oo wax laga weydiiyey jiritaanka arrintaas.
Wasiirka Wasaaradda Degaanka Somaliland waxa ay shaaca ka qaadday in Golaha Wakiilladu gacanta ku hayo xeerarkii lagu maamuli lahaa ka-hortagista xaalufka, iyada oo sidoo kale sheegtay inay baaq u direen maamulada degmooyinka, gobollada iyo oday-dhaqameedka si loola shaqeeyo wasaaradaha khayraadka dabiiciga ah ka shaqeeya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment