Saturday, June 21, 2014

Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare Oo Gebi ahaanba Somaliland si rasmi ah Maanta Uga Bilaabmay

Hargeysa:June,21,2014(Himilo)-Waxa Maanta si rasmi ah Gebi ahaanba soamliland uga Bilaabmay Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Fasallada Afraad ee Dugsiyada Sare iyo Siddeedaad ee Dugsiyada Dhexe.

sorfImtixaankan ayaa saaka ka bilaabmay Gobolada iyo Degmooyinka Dalka,waxana maaddadii ugu horraysay oo la galay ku soo dhamaatay guul sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhay Deegaanada kala duwan ee Dalku.

Imtixaanka sanadkan oo xafiiska Imtixaanaadka qaranku soo diyaariyey, isla-markaana ay Geliyeen Arday kor u dhaafaysa 21-Kun oo arday, ayaa laba maalmood ka hor loo kala diray Gobolada fog ee Dalka, iyadoo masuuliyiintii loo igmaday si habsami ah saaka u bilaabeen Imtixaankaas.

Masuuliyiinta ka imtixaankan dabada ka wada oo ay ugu horreeyaan wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Somaliland, ayaa Kormeerro kala duwan ku soo maray Dugsiyo ku yaalla meelo ka mid ah Somaliland, waxana Sanadkan aan soo bixin wax cabasho ah oo la xidhiidha imtixaanka.

Imtixaanka ayaa  lagu wadaa inuu soo gebogeboobo Maalmaha foodda inagu soo haya, iyadoo la filayo inuu ku sii jiro jawiga Haboon ee deggen ee uu ku bilaabmay.


Himilo Media


 

No comments:

Post a Comment