Tuesday, May 20, 2014

Sidee ayay Warbaahinta Caalamku uga Faallootay Dabbaal-deggii Xuska 18-ka May ee Sannadkan?




Bristol, 20 May, 2014 (Himilo)- Warbaahinta Caalamka ayaa si weyn uga faalootay dabbaal-degyada shacabka Somaliland meelo badan oo dunida ka mid ah ugu dabbaal-dageen xuska maalinta Somaliland ee 18-May, iyaga oo soo bandhigay muuqaallo ka mid ah xafladaha dabbaal-degga ee maalintan


Wargeyska Bristol Post oo ka soo baxa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, ayaa qormo ka faalloonaysa xuska 18-ka ku qoray Boggiisa hore, waxa ay ku soo qaateen damaashaad Jaaliyadda Somaliland ee magaaladaasi ka dhigeen shaaracyada waaweyn oo ay sudheen Caalanka Somaliland.


“In kabadan laba kun oo qof ee bulshada reer Somaliland ee magaalada Bristol ayaa isugu yimi xarunta jaamacadda dabaaldeg la xidhiidha dalkooda Somaliland oo xornimadooda kala soo noqday Soomaaliya.


Sannadkii 1988, rajiimkii Siyaad Barre ayaa xasuuq uu ka geystay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland noqdeen sababahii keenay burburka Soomaaliya, taasoo Somaliland kala soo noqdeen xornimadooda Soomaaliya sannadkii 1991-kii,” Sidaa waxa lagu sheegay qormo Wargeyska Bristol Post ka diyaariyey munaasibadda 18-ka May.


clifton-east-christian-martin-libdem“Hadii ay haysan lahaayeen aqoonsi caalami ah waxay ka dalban kari lahaayeen ururka gaashaan-buurta NATO dhaqaale ay amaankooda ku ilaaliyaan,” sidaa waxa wargeyska Bristol Post u sheegay  Christian Martin oo ka tirsan mudaneyaasha golaha deegaanka magaalada Bristol.


Sidoo kale,  jariiradda World Bulletin oo xarunteedu tahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa wax ka qoray dabaal-degii munasibadda 18 May ee shacabka  Somaliland ku maamusaan 23 guuradii ka soo wareegtay markii ay Somaliland xornimadeeda dib uga soo nqotay midnimadii Soomaaliya sannadkii 1991-kii, ayaa lagu soo qaatay qoraal gar-naqsi iyo baaq isugu jira oo madaxweynaha Somaliland u diray Midowga Afrika, kaas oo uu kaga dalbaday in la gaadhay wakhtigii ay Somaliland aqoonsi caalami ka heli lahayd dunida.


“Somaliland iyo Soomaaliya waxay midoobeen sannadkii 1960-kii ka dib markii ay xornimadooda ka qaateen Ingiriiska iyo Talyaaniga, laakiin Somaliland ayaa xornimadoodii dib ula soo noqday sannadkii 1991-kii markii Siyaad Barre xukunka laga tuuray ee dagaalada sokeeye ka bilaabmeen Soomaliya.


Soomaliya ayaa weli aqbali la’ aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland, oo sidoo kale weli beesha caalamku aanay aqoonsan.


Muwaadiniinta reer Somaliland iyo shacabka Kenya ee dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeeda ayaa munaasibad dabaaldega 18 May ku qabsaday magaalada Nayroobi,” ayaa lagu yidhi qormada World Bulletin ka qortay munaasibadda 18-May, waxaana lagu soo qaatay dareenka qaar ka mid ah shacabka Somaliland ee ku dhaqan dalka Kenya ee ka qayb-qaatay munaasibaddan. "Aqoonsi ama aqoonsi la’aan, Somaliland waxay u taagnaan doontaa tusaale sida Afrikaanku u maarayn karaan arrimahooda, uguna guulaysan karaan, caqabado kastoo jira,” sidaas waxa tidhi Aamina Cigaal oo ah 58 jir deggen magaalada Nayroobi. "18 May waa maalin muhiim ka ah taariikhdayada," sidaas waxa World Bulletin u sheegay Jamal Maxamud Xassan oo ku nool magaalada Odense ee dalka Denmark oo uu munaasibadda kaga qayb-galay.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment