Tuesday, May 20, 2014

Madaxweynaha oo shacabka ka tacsiyadeeyey Laba Marxuum oo Geeriyooday




Hargeysa, 20 April, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ehelkii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen ka tacsiyeey Marxuum Maxamed Xaaji Cali Guhaad (Sanyare) iyo Marxuum Chief Caaqil Faarax Cumar Cali oo labadoodu shalay ku kala geeriyooday magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.


siilaayoLaba Dhambaal oo xambaarsan tacsiyaha madaxweynuhu u diray labada marxuum oo ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada, ayuu madaxweynuhu kaga hadlay shakhsiyaddoodii iyo doorkii ay ka soo qaateen dhismaha dalka.


“Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Odayasha ugu magaca wayn Hargeysa iyo Dalkaba waxaanu ka mid ahaa masuuliyintii Dalka xoogooda iyo Muruqoodaba u huray sidii u dalku u dhismilahaa,” sidaa waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo madaxweynuhu kaga hadlay shakhsiyaddii Marxuum Maxamed Xaaji Cali Guhaad oo shalay Hargeysa ku geeriyooday, waxaanu madaxweynuhu Eebbe uga baryey marxuumka naxariistii Jaanno ka waraabiyo, dhammaan reer Xaaji Cali Guhaad, ehelladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxyna samir iyo Iimaan ka siiyo.


Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu madax-dhaqameedka dalka iyo ehelkii uu ka baxay ka tacsiyeyey Chief-Caaqil Faarax Cumar Cali oo shalay lagu aasay magaalada Berbera.  “Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Madax-dhaqameedkii ka soo shaqeeyey dib u dhiska dalka,” ayaa lagu sheegay dhambaalka madaxweynaha.


Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Madax-dhaqameedkii, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment