Havana, 01 April, 2014 (Himilo)- Xukuumadda dalka Kuuba ayaa la sheegay inay aqbashay qorshe masaajidkii ugu horeeyey lagaga dhiso dalkaa, ka dib booqasho wefdi ka socda hay’adda Arrimaha Islaamka Turkigu ku tageen dalkaas, iyaga oo ka codsaday sidii muslimka ku nool dalkaasi u heli lahaayeen masaajid ay ku tukadaan.
Masaajidkan cusub oo ay ku tukan doonaan muslimiin gaadhaysa 3,500 oo ku nool caasimada waddanka Kuuba ee Havana, ayaa hore cibaadooyinkooda ugu gudan jiray guryahooda.
Yuksel Sezgin, afhayeen u hadlay hay’adda Arrimaha Islaamka ee Turkiga, ayaa sheegay in dhismaha masaajidkan cusub laga binayn doono degmada dhismayaasha taariikhiga ee caasimada Havana.
Luis Mesa Delmonte, khabiir u dhashay dalka Kuuba oo wax ka dhiga jaamacad ku taal dalka Mexico ayaa sheegay in waddanka Kuuba qorshaynayey inuu dhiso masaajid muddo hore balse qorshahaasi u hirgeli waayey dhaqaale la’aan, ka dibna codsaday Turkigu inay dhisaan.
Dhismaha masaajidkan ayaa qeyb ka ah qorshe hay’adda TDV ugu dhisayso muslimiinta ku nool waddamada Laatiin Ameerika.
Mashruuc kaloo masaajid lagaga dhisayo dalka Haiti ayaa lagu wadaa inuu dhammaado dabayaaqada sannadkan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment