Muqdisho 31 May, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay adkeeyeen ammaanka safaaraddooda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ka dib markii ay soo gaadheen digniino ka dhan weerarro kooxda Al-Shabaab la maaggan tahay.
Sida lagu baahiyey idaacadda Dalsan, oo ka hawlgasha magaalada Muqdisho, ku-xigeenka safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Omar oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabo ay kaga hortagayaan weeraro kaga yimaada maleeshiyaadka Al Shabaab.
Mr. Jamaaludiin waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay inaanay safaaraddoodu ka guurin goobtii ay hore u deggenayd oo ku taala agaagaarka madaxtooyada Soomaaliya, isla markaana iska difaaci doonaan halis kasta oo kaga timaada kooxda Shabaab oo dhowaan sheegay inay weerari doonaan waddamada ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo dhamaan safaaradaha ajaanibka ee Muqdisho ku yaala.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment