Thursday, June 19, 2014

Dawladda Kenya oo Hoggaamiyeyaal Siyaasadeed iyo Dad Shacab ah u Qabatay Qaraxyadii ka Dhacay Dalkeeda

Nairobi 19 June, 2014 (Himilo)- Booliiska dalka Kenya, ayaa shaaca ka qaaday inay xabsi u taxaabeen tiro dad ah oo lala xidhiidhiyey weerarro is-miidaamin ah oo dhawaan ka dhacay magaalooyin ku yaala dalkaas, kaas oo ay ku dhinteen dad tiradoodu gaadhayso 60 qof.

Taliyaha ciidanka Booliiska Kenya David Kimaiyo ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen nin lagu magacaabo Ishmael Omondi oo bogga twitter-ka ka samaystay ciwaan loo haystay inay leedahay kooxda Al-Shabaab laguna baahiyey inay ka dambeeyeen weerarradaas.

"Waxaan gacanta ku dhignay dad kala duwan oo lagu xidhiidhinayo weerarkii Mpeketoni, kuna jiro mulkiilaha iyo direwalkii gaadhi loo adeegsaday weeraradii, iyo ninkii sameeyey bar Twitter oo lagu sheegay in Shabaab ka dambaysay weerarkaa," ayuu sheegay Kimaiyo oo shalay la hadlayey warbaahinta dalkaas.

"Dad badan oo la tuhmay, kuna jiraan hogaamiyeyaal ayaa wareysi lala yeeshay,” ayuu yidhi.

Inkasta oo weerarkaas masuuliyaddiisa ay maleeshiyaadka Shabaab sheegteen inay ka dambeeyeen,  haddana madaxweynaha Kenya Kenyatta oo dorraad ka hadlay qaraxyadaas, ayaa ku eddeeyey qaraxyadaas siyaasiyiinta waaweyn  ee dalkiisa xubno ka mid ah oo aanu farta ku fiiqin.

Dhinaca kale, maleeshiyaadka Shabaab ayaa shalay ku celiyey inay ka dambeeyeen weerarradii dhacay.

"Weerarkii Mpeketoni waxaa amray hoggaanka Shabaab, si loogu soo aargudo dilalka ay Ciidamada Kenya u geystaan muslimiinta Kenya iyo Soomaaliya," sidaa waxa yidhi afhayeenka Shabaab Abdulaziz Abu Musab oo u warramay idaacad afkooda ku hadasha.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland130922080043-01-kenya-0922-horizontal-gallery

No comments:

Post a Comment