
Waxaa kaloo uu wasiirka sheegay in howshan lagu xalin doono qaab-dublamaasiyadeed, isla markaana la ogaaday xog- ku saabsan in la dhagaystay wada-hadallo dhex maray madaxweynaha iyo masuuliyiin hore uga tirsanaan jiray aqalka sare ee barlamaanka Kenya.
Fred Matiang ayaa tilmaamay in wasaaradda arimaha dibadda Kenya ay arintan kala hadli doonto madaxda dowladda Maraykanka, isagoo xusay in xitaa la dhagaystay taleefanada madax badan oo Afrikaan ah.
“Waan ogahay in arintan ay tahay mid shaac baxsan waayo waxaa hore loo basaasay dad ay kamid yihiin Angela Markel iyo kuwa ka tirsan Midowga Yurub,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay ,waxaana uu ka digay dhibaatada ka iman karta arimahan oo kale .
Ma aha Kenya oo kaliya dawladaha ka cabanaya dhegaysiga Telefoonka Madaxweynahooda, balse waxa jira Dalala Badan oo Yurub ah, kuwaas oo is badan ka ashkatooday Siraha Madaxdooda oo Maraykanku Gacan-dhaaf ku sameeyey.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment