Hargeysa (Himilo)-Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada somaliland, ayaa kulan Albaabadu u xidhan yihiin la Yeeshay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdi Aw Daahir Cali.
Kulankan ayaa wasiirka lagu weydiiyey Su’aalo la Xidhiidha Maraakiib Geel U Qaaday Dalka Sucuudiga oo dib loo Soo celiyey iyo waliba sida ay wasaaraddu gacanta ugu hayso Hawlaha Daryeelka iyo xannaanaynta Xoolaha nool ee Somaliland.
Kulankan oo ay saxaafaddu dibadda ka joogtay, ayaa Markii uu dhamaaday waxa ugu Horrayn ka war bixiyey Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland Ibraahim Mahdi Buubaa, waxana uu Sheegay inuu wasiirku ka Qanciyey Su’aalihii ay Guddi ahaan weydiiyeen.
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa Tilmaanay inay Wasiirka wax ka weydiiyeen Sababihii loo soo celiyey markabkii Geela ka qaaday Dekedda Berbera iyo waliba Su’aalo kale oo la Xidhiidha Hawlaha wasaaradda Xannaanada Xoolaha, “Caqabado ka Taagnaa Markab Sucuudiga Geeyey Xoolo Nool oo ka Dhaqaaqay Dekedda Berbera oo la soo Celiyey ayaa Keenay inaanu Wasiirka u Yeedhno, waxana uu Faahfaahin Naga Siiyey Qaabka loo Baadho Caafimaadka Xoolaha ka dhoofaya Dekedda Berbera iyo waliba sida loo baadho xilliyada ay ka degaan dalka Sucuudiga iyo daryeelkooda.” Ayuu yidhi Xildhibaan Mahdi.
Xildhibaanka oo Hadalkiisa Sii Wata ayaa yidhi, “Qaabka Shaqaalaha Wasaaradda loo qaato, Hay’addaha Ajaanibka ah ee Dalka ka shaqeeyaa hannaanka ay u shaqeeyaan iyo Habka ay u Fuliyaan Tallaalka ay ku sameeyaan Xoolaha ku nool Somaliland ayaanu wasiirka wax badan ka Weydiinay.”
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdi Aw Daahir Cali oo isaguna Halkaas Ka Hadlay, ayaa Sheegay inay Diyaar u yihiin sidii ay u qaadi lahaayeen Tallaabooyin ay wax kaga qabanayaan Caafimaadka xoolaha, taas ay wasaarad ahaan ku qanacsan yihiin inay wax weyn soo kordhin doonto.
Wasiir Cabdi Aw Daahir, ayaa caddeeyey inay xoolaha Nool ee Somaliland yihiin Laf-dhabarta dhaqaalaha Dalka sidaa daraadeedna loo Baahan yahay in Daryeelkooda muhiimad gaar ah la siiyo.
Kulankan ayaa ugu dambayntii ku dhamaaday Ballanqaad uu wasiirku Guddida u ballan qaaday inuu qaadi doono Tallaabooyin muuqda oo uu wax kaga qabanayo Dayrada laga sheegayo caafimaadka xoolaha, gaar ahaa midka geela Ka Dhoofa dekedda Berbera oo xanuun lagu soo celiyey.
Wasiir Cabdi Aw Daahir, “Waxan Guddida uga Warramay Geellii la Soo Celiyey Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Somaliland Oo Soo Saartay Hab-raac Cusub Oo Lagu hagi Doono Hawlaha Maxjarrada Xoolaha Berbera iyo Dhoofinta Xoolaha.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment