Wednesday, April 16, 2014

Madaxweynaha Somaliland oo Shir Cawayskii ilaa 2-dii Xalay socday la yeeshay Golaha Wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidammada




Hargeysa, 16 April, 2014(Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xalay shir saacado badan qaatay la yeeshay Golaha Wasiirrada iyo Saraakiisha Ciidammada Qaranka Somaliland, shirkaas oo socday illaa kawdii iyo badhkii habeennimo ee xalay, ayaa la sheegay in lagaga hadlayey arrimo kala duwan.


Inkasta oo aanu jirin wax war ah oo Madaxtooyadu ka soo saartay kulanka saacadaha badan qaatay ee xalay dhex-maray Madaxweynaha Somaliland, Golaha Wasiirrada iyo Saraakiisha Ciidammada, haddana Wargeyska Himilo, ayay ila-wareedyo ka agdhawaa shirkaasi, waxay sheegeen in shirkaasi ahaa mid deg-deg ah oo ay Xukuumadda iyo Saraakiisha Ciidammadu kaga arrinsanayeen tallaabada ay shalay Ciidammada Qaranku kula wareegeen gacan-ku-haynta degmada Taleex, qorshe ahaan tallaabada ku xigi karta.


bbIla-wareedyada uu soo xigtay Wargeyska Himilo, waxay intaa ku dareen in sidoo kale, shirkaas lagaga hadlay ka diyaar-garawga dagaallo ay suuragal tahay inay Somaliland kaga yimaaddaan dhinaca Malleeshiyaad Qarannimada iyo nabadgelyada Somaliland ka soo horjeeda Sida Kooxda la-baxday Khaatumo, Malleeshiyada Puntland iyo weliba isku-dayo dagaal oo uu Maamulka Garoowe xalay ku dhawaaqay inuu Somaliland la galayo, isagoo Maamulkaasi sheeganaya in Dhulka Somaliland ee Ciidanka Qaranku shalay gaadhay ka tirsan yahay Puntland, isla markaana iska indha-tiraya lahaanshaha Dhulka Somaliland iyo Xadka Maamulkaas iyo Jamhuuriyadda Somaliland u dhexeeya.


Illaa hadda si rasmi ah looma oga go’aanka la iskula qaatay Shirkaas oo cawayskii illaa niskii dhexe ee xalay ka socday xarunta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ee magaalada Hargeysa. Balse warka ku saabsan shirkaas iyo waxa lagu go’aamiyey waxaa laga dhawrayaa Xukuumadda Somaliland inay ka hadasho illaa maanta haddii Illaahay yidihaahdo.


Himilomedia.com          


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment