Wednesday, April 16, 2014

Genel Energy oo Shaacisay Xilliga ay Dib u Bilaabayso Hawlaheeda Sahaminta Shidaalka




Hargeysa 16 April, 2014 (Himilo)- Shirkadda fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ee Genel Energy oo badhtamaha sannadkii hore joojiyey hawlo sahamin shidaal ah oo Somaliland ka wadday, ayaa shaacisay xilliga ay dib u bilaabayaan baadhista Shidaalka Somaliland.


Mr. Andrew Benbow oo ah madaxa xidhiidhka bulshada ee shirkadda Genel Energy, ayaa xaqiijiyey dedaallo dib loogu bilaabayo hawlihoodii sahaminta shidaalka isla markaana uu jiro wada-xaajood u socda Xukuumadda Somaliland sidii dib loogu bilaabi lahaa hawlaha sahaminta shidaalka.


Mr Adrew Benbow oo u warramay wariye ka tirsan Wargeyska Himilo, ayaa sheegay inaanay shirka ahaan markii hore saxeexin heshiiska saami-qaybsiga sahaminta shidaalka, balse ay lahaanshiyaha goobaha la baadhayo (Blocks) la wareegeen sannadkii 2012-kii.


Mr Andrew oo la weydiiyey nooca heshiis ee ay kula jiraan xukuumadda Somaliland, ayaa ka gaabsaday inuu wax xog ah ka bixiyo heshiiska waxaanu yidhi, “Shuruudaha heshiisyada saami-qeybsiga sahamintu maaha qaar bulshada khuseeya. Waxaan la saxeexanay xukuumada, markaa faahfaahinta ku saabsan iyagaa lagala xidhiidhi karaa. Hadaan raaciyo, shirkada Genel ma ahayn  kuwii saxeexay bilowgii heshiisyada saami-qeybsiga sahaminta, laakiin lahaanshada Blocks ayaanu la wareegnay sannadkii 2012.”


Mar la weydiiyey xilliga uu filayo inay dib u bilaabaan hawlahoodii sahaminta shidaalka, ayaa sheegay inuu jiro wada-xaajood u socdo xukuumada Somaliland kuna saabsan fududeynta dib u bilowga hawlahoodii sahaminta shidaalka, haseyeeshee waxa uu ka gaabsaday inuu muddeeyo xilliga ay dib u bilaabayaan, waxaanu yidhi, “Wada xaajood ayaa noo socda xukuumada Somaliland ku saabsan fududeynta dib u bilowga hawlahii sahaminta shidaalka. Way adag tahay inaan kuu sheego wakhti cayiman oo dib loo bilaabayo hawlaha sahaminta, laakiin, wada-hadal farsamo ayaa socda, waxaanan si joogto ah u wadaagnaa wada xaajood dhinacyo badan oo ku saabsan sidii aanu wakhtiga ugu horeeya ee suurtagal ah dib ugu bilaabi lahayn hawlahii sahaminta aanu ka wadnay Somaliland.”


imagesShirkadda Genel Energy oo ah shirkaddii u horreysay ee hawl-gallo buuxa oo dhinaca sahaminta shidaalka ka bilowda dalka, ayaa dabayaaqadii sannadkii hore hakisay hawlihii sahaminta shidaalka, ka dib markii dawladda Ingiriisku soo saartay digniino ammaan oo ay muwaadiniinta  dalka ugu sheegtay inaanay u socdaalin deegaamo ay Somaliland ka mid tahay oo Geeska Afrika ku yaala, taasina ay sababtay inay shirkaddu ka baxdo dalka maadaama ay tahay shirkad laga leeyahay dalkaasi Ingiriiska.


Himilomedia.com          


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment