Hargeysa, 15 April, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay uu Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey caqabadaha hortaagan Laydhka Biyaha laga dhaliyo ee Itoobiya inuu soo dhaafo ama ka soo gudbo Xadka ay Somaliland iyo Itoobiya wadaagaan ee Tog-Wajaale oo la soo gaadhsiiyey Korontadaas.
Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo Weriye ka tirsan Wargeyska Himiloo wax ka weydiiyey sababta laydhka Itoobiya oo muddo fog la soo gaadhsiiyey qaybta Itoobiya ee magaalada Tog-wajaale, waxa hortaagan in loo soo gudbiyo gudaha Somaliland, waxaanu Wasiirku ka jawaabay su’aashaas iyo su’aalo kale oo arrinta laydhkaas laga weydiiyey. Waxaanu sheegay in Shir ay wada yeelan doonaan dhawaan Wasiirro ka tirsan Somaliland iyo Itoobiya lagaga wada-xaajoon doono arrimo la xidhiidha soo gudbinta laydhka Itoobiya, Dekedda Berbera iyo waddada Berbera iyo Wajaale.
“Sidaad la socoto Madaxweynaha Somalialnd Md. Axmed-Siilanyo iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya, Mr. Haile-mariam way kulmeen, mashaariic badan oo wax-wada-qabsi ayey ka hadleen. Guddi afar Wasiir ah oo aan Madax u ahay ayaa loo magacaabay inay arrimaha laydhka, Dekedda, waddadda iyo ganacsigu ku jiraan kala xaajoodaan dhiggooda Itoobiya. Waxaanan filayaa in bisha soo socota kulankii labada dhinac qabsoomo, haddii Illaah yidhaahdo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka jawaabayey su’aasha aannu ka weydiinnay sababta Laydhka Itoobiya Somaliland ugu soo gudbi waayey.
Arrinka laydhka Itoobiya, Saraakiisha Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa waxay sheegeen inay muddo hore heshiis is-afgarad la galeen shirkad Muwaaddin reer Somaliland ahi leeyahay, balse weli dhinaca Somaliland laga oggolaan. Sidaa daraaddeed, waxa la weydiiyey Wasiirka arrimaha dibedda caqabadaha dhinaca Somaliland hortaagani waxay yihiin, ayuu ku jawaabay, “Markaanu Raysal-wasaaraha Itoobiya kulanay, waxuu ballanqaaday inay naga caawiyaan oo laydhka laga soo jiido Tog-wajaale ilaa Somaliland. Laakiin, laydhka keliya maahee, arrimo fara badan oo labada dawladood ka wada hadlayaan ayaa jira, waxaannu u xil-saarnay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo isku duba-ridaya arrimaha shirka, marka shirku dhaco ayaa dhinac walba Wasiirrada qaabbilsani ka hadli doonaan hawlaha khuseeya.”
Mar Wasiirka la weydiiyey in kulanka soo socda lagu go’aamin doono qaabka loogu soo gudbinayo laydhka taagan Tog-wajaale dhinaca Somaliland, waxa uu ku jawaabay; “Maaddaama laydhka Tog-wajaale arrinka uu carrabka ku dhuftay Raysal-wasaaraha Itoobiya ka mid ahaa, kulanka aannu isugu iman doonno Wasiirrada Itoobiya ayaa lagaga wadahadli doonaa.”
Madaxda dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, ayaa marar badan oo ay kulammo yeesheen sheegay in waxyaabaha ay ka wadahadleen uu ka mid ahaa Korontada Biyaha laga dhaliyo ee Itoobiya sidii loo soo gaadhsiin lahaa dalka Somaliland, taasoo ay Masuuliyiinta Somaliland marar kala duwan sheegeen inuu laydhkaasi uga jaban yahay dalka iyo dadka Korontada Mishiinnadu dhaliyaan.
Madaxda Sare ee Itoobiya, ayaa iyaguna marar kala duwan ka hadlay oo sheegay inay Korontodooda soo gaadhsiinayaan Somaliland. Hase-yeeshee, Korontadaas oo ay Itoobiya muddo ka hor ay soo gaadhsiisay dhinaca shishe gudaha magaalada Xadka ku taalla ee Tog-Wajaale, ayaan dhinaca Somaliland u soo gudbin caqabado jira oo aan wali la faahfaahin awgood.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment