“Dalka iyo Idaacadda Tidhi Ciidankii Somalilnad Baa Taleex ku Duulay
waa Gardarro, Somaliland Xadkeedu waa kaa Afrika ku dhisan tahay, kama
Gudbayno Xadka Somaliland-na Nin-na u daba fadhiisan mayno,” Muuse Biixi
Hargeysa(Himilo)Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Tallaabadii ciidanka qaranka Somaliland kula Wareegeen Gacan-ku-haynta Magaalada Taleex ee Gobolka Sool.
Guddoomiye Muuse Biixi ayaa si cad u sheegay inaanay jirin Dhul cusub oo ka baxsan Xuduuda Somaliland oo Ciidanku gaadhay, waxana uu meesha ka Saaray in Tallaabadaas la Buunbuuniyo.
Muuse Biixi Cabdi ayaa xusay in Ciidanku ay si Hufan qaybtooda uga qaateen Maamul-daadejinta dalka, isla-markaana ay taas ku ammaanan yihiin, “warbaahinta qaar ayaa war dhiillo leh ka dhigayey ciidamada Somaliland oo tegay Deegaano Somaliland ka mid ah oo ay ahayd inay Beri hore tagaan, ciidamada taas waa ku Ammaanaynaa waxana aanu ku hambalyeynaynaa inay Maamul-fidintii dalka ka qayb qaateen waxana laga sugayaa inay Xadka Gaadhaan.” Ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.
Isagoo Hadalkiisa sii wata Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye waxa uu sheegay in Xisbigiisa iyo xukuumadda ka dhalatay ay udub-dhexaad u tahay Muhiimadda ay leedahay Derisnimada iyo Nabad-ku-wada Noolaanshuhu, waxana uu yidhi, “Guud ahaan Qaranka Somaliland, gaar ahaan Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisu siyaasadda ay ka leeyihiin geeska Afrika iyo caalamku waa Nabad ku wada-noolaasho deriskayagana uguma Tegayno Gardarro, Haddii nalgu Gardarroodana waxa waajib ah inaanu dulqaaadano si aanu Nabadda Geeska iyo dalkayaga-ba u ilaalino, Sababto ah inta Maanta Xukuumadda Hoggaaminaysaa oo Madaxweynuhu kaw ka yahay iyo Madaxda Kulmiye oo Maxamed Kaahin Kow ka yahay waxanu waayo arag u nahay Dagaalku waxa uu yahay, waxana aanu waayo arag u nahay Gardarrada iyo Dulmigu waxa uu dhalo iyo Fududaanshaha Dabka loo qaato khasaaraha lagaga Kulmo”
Guddoomiye Muuse Biixi ayaa tilmaamay inaanu muran iyo Hadal la gelin Karin xuduudaha muctarifka ah ee Somaliland leedahay, isagoo xusay inay Qaaradda Afrika kala mid tahay xuduudaha ay ku dhisan tahay, “Dalka iyo Idaacadda Tidhi Ciidankii Somalilnad Baa Taleex ku Duulay waa Gardarro, Somaliland Xadkeedu waa kaa Afrika ku dhisan tahay, waana kii Isticmaarku ka Tegay, waana ka dal wal oo Afrika ahi ku dhisan yahay, kama Gudbayno Xadka Somaliland-na Nin-na u daba fadhiisan mayno, Maraykan-na noogu Yeedhin maayo Ingiriisna noogu Yeedhi maayo cidkale-na Hadalkeedaba daa”ayuu yidhi Muuse Biixi, waxana uu isagoo Hadalkiis sii wata uu yidhi,
‘Ciidankayagu Nabad Buu Wadaa, colaad ma wado xadkiisuu tegay oo uu gaadhayaa, waxana uu ka ilaalinayaa wixii fidmo wada iyo wixii dalka iyo Geeska Khalkhal u keenaya oo aanay Quwadaha waaweyni nagu Gargaarayn waxna nagaga tarin Haddana Nabadii aanu keenay ay nala qaybsanayaan,”
Guddoomiye Muuse Biixi oo ka hadlayey munaasibad Xisbigiisu ku soo dhaweynayey xubno miisaan leh oo kaga soo Biiray Xisbiga Ucid, ayaa tilmaamay inay Go’aan qaran tahay in Gebi ahaanba xuduudda dalka la soo wada Xidho, waxana uuu yidhi, “Arrintan (Ka Hadalka Taleex) waxan ugu dheeraanayaa arrintaasi ma aha mid laga wada Hadlayo, xadka Somaliland-na waa la soo Xidhayaa, ciidankuna wuu tegayaa.”
Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa uu hadalkiisani ku soo beegmayaa xilli ay ciidanka Somaliland ku rajo weyn yihiin inay sugaan Gebi ahaanba Xuduudaha Dalka, waxana Haatan tallaabadii ugu horraysay lagu qabtay Deegaanka Taleex ee Gobolka Sool.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment