Wednesday, April 16, 2014

Nuxurka Qoddobo Somaliland iyo Britain ku ballansan yihiin fulintooda oo Wasiir Ingiriis ahi maanta socdaal ugu imanayo dalka




Dalabka Somaliland iyo Shuruudda Dawladda Ingiriiska


 Hargeysa, 16 April, 2014 (Himilo)- Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan boqortooyada Ingiriiska Mark J Simmonds oo shalay socdaal ku tagay magaalada Muqdisho ee xarunta dalkaasi Soomaaliya, ayaa lagu wadaa inuu maanta  ka soo dego garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.


Ma jiraan war la sii shaaciyey oo ku saabsan socdaalka Wasiirka Arrimaha Afrika ku imanayo Somaliland, haseyeshee, waxa safarkiisu daba-socdaa laba kulan oo xilliyo kala duwan ku dhexmaray magaalada London wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland Mark J Simmonds, laguna soo qaaday arrimo la xidhiidha dhinaca ammaanka iyo sii-xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee labada waddan.


Mark_SimmondsSannadkii la soo dhaafay bilowgiisii, ayaa kulankii u horreyey magaalada London ku dhex-maray Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, immikana ah wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Mark Simmonds, waxaanu wasiir Maxamed Cabdilaahi oo xilligaas ka war-bixinayey ujeeddada kulanka dhexmaray uu warbaahinta u sheegay inuu Mr Simmonds ku marti-qaaday safar xaqiiqo-raadin ah oo ku yimaaddo Somaliland. Sidoo kale, Wasiirrada Madaxtooyada iyo Arrimaha Dibadda ee Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Maxamed Biixi Yoonis oo dabayaaqadii sannadkii hore socdaal ku tagay dalka Ingiriiska, waxa ay xafiiskiisa kula kulmeen Wasiirka Arrimaha Afrika Mr Simmonds, wakhtigaas oo ujeeddada safarka labada wasiir ee Ingiriisku la xidhiidhay sidii ay dawladda dalkaas ugala hadli lahaayeen Digniinaha dhinaca ammaanka ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriisku ka soo saartay xaaladda ammaan ee Geeska Afrika, gaar ahaan Somaliland iyo Somalia oo looga digay muwadniintooda inay safraan laba dal. 


Haseyeeshee, ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay oo u dhuun-daloola socdaalka Masuulkan boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan qaarada Afrika, ayaa Himilo u xaqiijiyey inay xukuumadda Somaliland kawada hadlayaan qodobbo dhinaca ammaanka iyo la-dagaalanka argagixisada khuseeya oo lagu soo qaaday kulamadaas hore u dhexmaray labada dhinac oo waxyaabihii laga wada-hadlay ay ka mid ahaayeen wax-ka-beddel dawladda Ingiriisku ku samayso isla markaana ku kala saarto mowqifkeeda la xidhiidha digniinaha dhinaca ammaanka ee ay ka soo saarto Somaliland iyo Soomaaliya.


Xukuumadda Somaliland oo hore u shaacisay hirgelinta xeerar lagu adkeynayo ammaanka dalka, gaar ahaan Xeerka la-dagaalanka Argagixisada, ayaan ilaa wakhtigan hay’adaha Sharci-dejinta ee dalka u gudbin xeer loogu talo-galay la-dagaalanka argagixisada, kaas oo aan weli ka soo bixin gacanta xukuumadda gaar ahaan wasaaradda Arrimaha gudaha oo dib-u-eegis iyo wax-ka-beddel ku samaynaysa ka hor inta aan goleyaasha sharci-dejinta la horkeenin, waxaanay xogahani tilmaamayaan in qodobkani ka mid yahay waxyaabaha uu masuulkani kala hadli doono xukuumadda Somaliland.


Sida ay xogahani sheegayaan, waxa kale oo la filayaa in Kulanka maanta ee Dawladaha Ingiriiska iyo Somaliland lagaga wada hadlo fulinta ballan-qaad ka soo baxay kulan xukuumadaha Ingiriiska iyo Somaliland ku dhex-maray magaalada London badhtamihii bishii hore, kaas oo ku saabsanaa in Ingiriisku kala saaro digniinihiisa socdaal ee Somaliland iyo Soomaaliya, loona ballansanaa Wefti Ingiriiska ka socda oo safar ku iman doona Somaliland bisha Afraad ee sannadkan, sida ay tibaaxeen xogahan oo laga helay kulan magaalada London ku dhexmaray hay’adaha ammaanka Somaliland iyo Ingiriiska.


Haseyeeshee ilo-wareedyadani ma sheegin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrimahan. Sidoo kale, lama hubo in mowqifka Dawladda Ingriiiska ee la xidhiidha fulinta ballan-qaadkaasi ku xidhan yahay ansixinta xeerka la’dagaalanka argagixisada ee Somaliland aanay weli ansixin.,


Boqortooyada Ingiriiska ayaa ah dalka taageerada ugu badan ee dhinaca xoojinta ammaanka u fidiya Somaliland marka loo waddamada Midowga Yurub oo xidhiidh wada-shaqayneed oo dhinacyo kala duwan la leh xukuumadda Somaliland.


Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland oo aanu la xidhiidhnay si aanu wax uga weydiinno ujeeddada socdalka Wasiirka Afrika u qaabilsan Afrika, ayaa ka cudu-daartay inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan socdaalkiisa iyo sidoo kale Xeerka la-dagaalanka Argagixisada ee lala xidhiidhiyey inuu socdaalkiisu ku saabsan yahay.


Himilomedia.com          


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment