Wednesday, April 16, 2014

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo soo saartay Go’aamo lagu Xakamaynayo Fadeexad ka soo if-baxday Qaabka loo dhoofiyo Xoolaha Somaliland



Hargeysa, 16 April, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Somaliland Dr Cabdi Aw-Daahir oo shalay hortagay guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada oo uu warbixin ka siiyey xaaladda Caafimaadka iyo Dhoofka Xoolaha, ayaa kulankaas ku shaaciyey wareegto uu ku dhaqan-geliyey hab-raac rasmi ah oo lagu maamulayo hawlaha Maxjarrada iyo Dhoofka Xoolaha.

CABDI AWDAAHIRWasiirka Wasaaradda Xannaanada Somaliland waxa uu ku amray maamulka labada maxjar ee lagu hubiyo caafimaad-qabka Xoolaha inay neef kasta oo caafimaadkiisa la baadhay ee laga helo xannuunka Buruseelaha in lagu xidho calaamado kala duwan oo muujinaya heerka xannuunku gaadhsiisan si loo taxaddiro, waxaanu jideeyey in baadhis labaad la mariyo xoolaha ka hor inta aan laga dhoofin  dekedda Berbera, waxaanay go’aamada wasiirku iftiimiyeen dhayalsi iyo xil-gudasho la’aan markii hore ka jirtay maxjarrada lagu hubiyo caafimaadka xoolaha.


Wareegtada Wasiirka oo ku taariikhesnayd 06/04/2014 laguna socodsiiyey Maamullada Maxjarrada (Saudi-Emirate) iyo Berbera National, Dhakhaatiirta Xoolaha ee Dekedda Berbera iyo Maamulka gobolka Saaxil, laguna war-geliyey Madaxweynaha Somaliland, ayaa xambaarsanayd 22 qodob oo jidaynaya hab-raac cusub oo lagu maamuli doono Maxjarrada iyo Xoolaha ka dhoofiyo si looga hortago xoolo aan caafimaadkooda lagu sugin oo dalka ka dhoofa.


Go’aamada Wasiirka


-      Waa in Dhammaan Xoolaha la dhoofinayo lagu hayo Maxjarka Muddadii loogu talo-galay si ay u buuxiyaan shuruudihii Caafimaad ee loo asteeyey.


-      Waa in Geela Dhiigga laga qaadaa laba jeer, marka uu soo galo iyo ka dib marka la rarayo muddo 3 bilood ah. Baadhista labaad waa muhiim, waxay soo saaraysaa Brucella Huursan (In an incubation Period).


-      Xoolaha Shirkad ama qof gaar ah leeyahay oo intaan la dhoofin boqolleyda laga helo Brucella ay badan tahay marka koowaad waa in il-gaar ah lagu hayo si baadhista labaad taxaddir dheer ah loo siiyo, si wadareedna loo baadho. Waxaynu kuwa ay ka badan tahay (4%) siinaynaa Calaamad CASAAN, kuwa Dhexe (2-4%) siinaynaa BULUUG, kuwa ka yar (2%) siinaynaa DOOGO.


-      Baadhitaanka Geela waxaan Maxjar walba u xilsaarayaa ugu yaraan 2 dhakhatar oo gaar ah oo lagala xisaabtamo. I) MAGACYADA GEEL-BAADHAYAASHA SAUDI-EMIRATE QUARENTINE waa b) Feyr Muuse Maxamed b) Axmed Maxamed Cali. II) MAGACYADA GEEL-BAADHAYAASHA BERBERA NATIONAL WAA: b) Maxamed Siyaad t) Daa’uud Ismaaciil Nuur.


-      Waxa maxjarka ku waajib ah in uu xaqiijiyo in inta u dhaxaysa maxjarka iyo Dekedda aanay xoolihii la baadhay, Xoolo kale ugu khaldamin intay dariiqa ku sii jiraan. Waa in Maxjarku cid mucayin ah u qoondeeyaa hawshaas, magacyadoodana u soo gudbiyaa wasaaradda Xannaanada Xoolaha.


-      Waa in Ganacsadaha Xooluhu ka feejinaado Xoolo lagu reebay Brucela uu soo siiyo daawooyin si ku meel gaadh u khalkhalin karta baadhista dhiigga, ka dibna uu isku dayo inuu dib ugu soo xereeyo Maxjarrada. Hadday dhacdo waxa laga qaadayaa tallaabadii ku habbooneyd.


-      Waa in ay Maxjarradu xaqiijiyaan in calaamadda lagu dhigay neefka Brucela ee la baadhay aanay ka baabi’in oo noqon karta dalool dhageed ama midab aan la tirtiri karin muddo 3 bilood ah ugu yaraan.


-      Waa In Geela iyo Lo’da lagu dhejiyaa (Ear Tag) weyn si loogu qori karo calaamad muujinaysa in la baadhay.


-      Labada Maxjar waxay yeelanayaan 2-3 dhakhtar oo u qaabilsan dib u eegista dhammaan dhiigga ku saabsan Brucella (Monitoring Doctors) kuwaas oo keliya ayaa lagala xisaabtamayaa wixii farsamo ee dhakhtarnimo eek u saabsan Brucella. Waxaanay kala yihiin; (I) BERBERA ANIMAL NATIONAL QUARENTINE (b) Ayaan Xaydari (t) Maxamed Kamala. (II) SAUDI-EMIRATE QUARENTINE (b) Dr Kheyre (t) Dr Axmed Xaaji (J) Axmed Elgayaab.


-      Waa in Maxjarradu is-waafajiyaan Xoolaha Dhoofaya lambarradooda iyo dhakhtarka baadhaha ah, hadhow loo garto dhakhatarka baadhay xoolaha haddii la soo celiyo ama si kaleba loogu baahdo.


-      In Geela dhiigga laga helay cudurka ee la saaray dib loo hubiyo inta aanu markabku dhoofin; geelaasi kama bixi karaan xeradii gaarka ahayd ee maxjarka loogu talo-galay ilaa inta ay xooluhu dhoofayaa.


-      Geela loo soocay Brucella Postive (Inuu Qabo xannuunka Brucella) in dhammaan xeradii xoolaha laga saaray isla markaana la calaamadiyey, lana geeyey xeradii loogu tala-galay oo lagu xidho quful lagu ilaaliyo, waxa xaqiijinaya; A) CABDULLE: Berbera National Quarentine [Maxjarka Indha-dheero] iyo (B) WALIID: Saudi Emirate Quarentine [Maxjarka Al-Jaabiri].


-      Waxa lagu amrayaa Maxjarrada inay ay xaqiijiyaan in dhammaan qalabka, daawooyinka (reagents) sheybaadhka iyo tallaaladu ay buuxiyaan halbeegga tayo-wanaag ee looga baahnaa. Dhakhtarka Dekeddu waa in uu si joogta ah ugala socdaa hawshaas madaxa sheybaadhka Maxjarka, wasiirkana u soo gudbiyaa warbixin todobaadle ah.


-      Waa in maxjarradu wixii macluumaad ah ee markabka dhofay ku saabsan mark axoolaha laga dejiyo ay isla markiiba la socodsiiyaan Wasaaradda. Xaaladahaa waxa ka mid ah minqiyaaska Brucella laga helay xoolaha intay le’eg tahay, in xoolihii maxjar lagu xereeyey iyo in toos loo sii daayey. Waxa ay ina siinaysaa feejignaaneed oo dheeraad ah.


-      Waa in Dhakhtarka Xoolaha ee Dekedda iyo Maamullada Maxjarrada ee markaa ay saamayso ay wada buuxiyaan, wadana saxeexan foomka oo koobaya dhammaan shixnad kasta oo xoolo ka dhoofaya dalka.


Qodobbada uu ka kooban yahay hab-raaca wasiirka warfaafintu soo saaray  oo u kala shaxaysan waajibaadyo iyo shuruudo shaqo oo kala khuseeya Maxjarrada Xoolaha, Dhakhaatiirta baadhaysa Xannaanadaha xoolaha iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa wasaaradda iyo Maxjarrada, ayaa sidoo kale ku waajibinaya Dhakhtarta ku sugan Dekedda Berbera inuu wasaaradda Xannaanada xoolaha soo gaadhsiiyo nuqul ka mid ah foomka ay wada-saxeexeen maamullada Maxjarrada. Sidoo kale ku xusan qodobbadan in wasiirku magacaabayo guddi wasaaraddiisa ka tirsan oo dusha kala soconaysa fulinta go’aamadan, kuwaas oo sidoo kale kala talinaya tallaabooyinka la qaadi karo.


Sidoo kale qodobbada ku xusan Hab-raacan, waxa lagu waajibiyey Maamullada Maxjarrada inay saxeexaan go’aamada isla markaana ay u hoggaansamaan fulintooda.


Hirgelinta wareegtada cusub ee Wasiir Cabdi Aw-daahir ayaa ka dambaysay ka dib Markii ay soo if-baxeen fadeexado huursanaa oo ka dhex-jiray maxjarrada xoolaha laga dhoofiyo iyo dhakhaatiirta u qaabilsan Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, taas oo keentay in xoolaha dalka laga dhoofiyo dib loogu soo celiyo dalka sababo la xidhiidha xil-gudasho la’aan lagu dhayal-sado in la hubiyo caafimaadka dhammaan xoolaha dalka laga dhoofiyo.


Isu-duwaha gobolka Saaxil ee Wasaaradda Xannaanada ah isla markaana ay masuulka ugu sarreeya maamulka Soomaalida ah ee ka hawl-gala Maxjarka Xoolaha ninka Carbeed leeyahay magaalada Berbera Cali oo Wargeyska Himilo u warramay horaantii bishan, ayaa sheegay in aanay wada-baadhin dhammaan caafimaadka Xoolaha la mariyo Maxjarka, balse ay baadhitaannada ku sameeyeen tiro ka mid ah, arrintani waa ta keentay go’aamada wasiirku ku shaaciyey digreetadiisan si looga hortago xoolo aan caafimaadkoodu sugneyn oo dalka ka dhaafa iyo in la hubiyo dhammaan caafimaadkooda oo aan lagu koobin mar kaliya balse laba jeer layskaga daba-noqdo baadhitaanka caafimaad ee lagu samaynayo Xoolaha ku jira Maxjarrada dalka.


Himilomedia.com          


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment