Monday, April 14, 2014

Berbera:Shaqaaqo Ka Taagnayd Meydka Marxuumad Haweenay Afar Habeen Ka Hor La Dilay Oo Maanta La Soo Afjaray




Berbera:14-April-2014(HIMILO)-Waxa Maanta Magaalad Berbera ee Caasimadda Gobolka Saaxil lagu  soo Afjay is fahan-waagii ka Taagnaa Dhacdadii Berbera ka Dhacday ee ay ku Geeriyootay Marxuumad Xamda oo Rasaas Habaw ahi la Kulantay.


Dhacdadaas ayaa ayaamihii ugu dambeeyey Muran Badan ka dhex dhalisay Magaalada Berbera, waxaana la Diidanaa in la Aaso Meydka Marxuumadda.


Boqor Faysal Cismaan Baraag Iyo Boqor Raabi Oo Kamid Ah Isimada Somaliland Ee Sida Weyn Ugu Ololeeya Nabada Iyo Xalinta Khilaafaadka Ka Dhex Dhaca Beelaha Walaalaha Ayaa Maanta Arrintan soo Afjarkeeda ku Guulaystay, waxaana Heshiis laga Gaadhay Dhacdadaas ay Haweenaydu u dhimatay.


Ismimadan ayaa waxa Gacan Weyn Ka Siiyey  Inay Ku Guulaystaan Afjarida Khilaafkan Maareeyaha Dekeda Magaalada Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor), Badhasaabka Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi Iyo Duqa Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin, Oo Ay Isimadani Sheegeen Inay masuuliyiintani ay Si Wada Jir Ah Kaalin Wax Ku Ool Ah Uga Qaateen Sidii Hawshaasi ugu Suurtageli Lahayd.


Meydka Gabadha Ayaa Alle Ha U Naxariistee Tan Iyo Habeenkii La Dilay Aan La Aasin, Taaso Ka Dhalatay Qanci Waa Iyo Tabasho Togan Oo La Halmaasha Sababta Iyo Sifaha Lagu Dilay Oo Aan Ehelada Marxuumadu Ku Qancin, Waxaa Gebi Ahaanba Hawshaasi Soo Afjarideeda Iyo Qancinta Eheladii Ay Ka Baxday Marxuumadu Ku Guulaystay Isimadan Oo Iyagu Xal U Helida Xaaladaasi Isugu Xilsaaray Doorkii Iyo Waajibkii Kan Madax Dhaqameed Ahaan Ka Aadanaa Xalinta Xaaladahaasi Oo Kale.


 


Maydka Marxuumadda ayaa Lagu  Heshiiyey in la Aaso, iyadoo Arrintaasina ay Shacabku si weyn u soo Dhaweeyeen, maadaama ay ka Warwarsanaayeen inay Nabaddooda wax Soo Gaadhaan.


Haweenaydan ayaa dhimatay Kadib markii ay rasaasi dhex martay Wiil uu Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille Adeer u yahay iyo nin hore Xildhibaanka Hargeysa ugu rasaaseeyey oo Berbera iska Helay, halkaas oo wiilkiina Dhaawac Culusi soo Gaadhay.


Himilomedia.com                                                      


Hargeysa-Somaliland                                                             


 


 

No comments:

Post a Comment