Thursday, April 17, 2014

TALEEX: Badheedhaha Somaliland iyo Baaqyada Beesha Caalamka




Hargeysa, 17 April, 2014 (Himilo)- Dawladda Somaliland, ayaa sheegtay inaanay cidna u daba-fadhiisanayn madax-bannaanideeda isla markaana ay samaynayso tallaabo kasta oo ay ku ilaalin karto xuquuqda ay u leedahay inay ilaashato xuduudaha dalkeeda.


Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ku eedeyey inay colaad hor leh ka hurinayaan gudaha Somaliland, adduunka ay gaadhsiinayaan dacaayado raqiis ah oo ay ka been-sheegayaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaannada Bariga Somaliland.


Dawladda Somaliland:


Maxamed-Biixi-Yoonis-300x259Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay shalay Wasiirka arrimaha Afrika u qaabbilsan Ingiriiska u sheegeen inaanay Somaliland daandaansi, colaad iyo dagaal toona wadin ee keliya ay Ciidammadeeda qalabka sidaa gaadheen mid ka mid ah degmooyinka gobolka Sool ee Somaliland, isla markaana waxay Puntland sheegayso ee ay la qaylinaysaa tahay been iyo borabagaando.


“Waxaanannu ballanqaadnay inaannu nabada xoojino, waxaanannu wasiirka u sheegnay inaannu nahay dad nabad jecel oo taariikhdooda si fiican loo garanaayo, haseyeeshee xuduudahooda, goonni-isu-taagooda ay mid sugan yihiin oo aan cidna looga daba fadhiisanayn oo aanay ogolaanayn in waddanka gudihiisa lagu qabto shirar dhibaato dalka u keenaya,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.


muuse biixiGuddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo arrintaa ka hadlay shalay, ayaa sheegay in Xisbigu Ciidammada Qaranka ku hambalyeynayo gaadhitaanka Taleex, isla markaana u soo jeediyey inay xadka Somaliland gaadho, waxaanu sheegay inaanay colaad wadin ee ay nabadgelyo wadaan.


Muuse Biixi oo arrintaa ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Waxa la leeyahay Ciidanka Somaliland ayaa ku duulay Taleex oo qabsaday, waa gar-darro, Idaacadda sidaa tidhi waa Gar-darro, dalka yidhi waa gar-darro, Xadka Somaliland-na waa Xadkii Isticmaarku ka tegay ee Afrika oo dhami ku dhisan tahay, kana gudbi mayno, Xadka Somaliland-na ninna u daba fadhiisan mayno, Maraykan-na noo yeedhin maayo, Ingiriis-na noo yeedhin maayo, nin kalena hadalkiisaba iska daa. Waxaannu cod dheer ugu sheegaynaa cidkasta Ciidankayagu nabad buu wadaa, colaad ma wado, Xadkuu gaadhayaa, waxa uu ka ilaalinayaa cadawga iyo ninka nabadgelyada waxyeelaya, sugidda Xuduudaha nabadgelyada Geeska Afrika ayaa ku jirta, ta caalamka ayaa ku jirta, oo taayada ayaa ku jirta.”


Baaqyada Beesha Caalamka


Dawladaha Maraykanka, Ingiriiska, Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka hadlay xaaladda Taleex, ayaa Xukuumadda Somaliland iyo dhinacyada kale ee ka soo horjeeda ugu baaqeen inay joojiyaan wax kasta oo colaad iyo dagaallo ka dhalan karaan, isla markaana murannada deegaan ee ay dhinacyada Somaliland ka soo horjeeda ee Maamullada isku magacaabay Puntland sheeganayaan in xal iyo wadahadal lagu dhammeeyo.


Baaqyada ka soo yeedhaya dawladaha kala duwan iyo Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ayaa yimi, ka dib markii ay Salaasadii toddobaadkan ama dorraad Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Jiidda Sool ay ku ruqaansadeen, isla markaana si buuxda oo dagaal la’aan ah ula wareegeen gacan-ku-haynta magaalada Taariikhiga ah ee Taleex oo ah degmo ka tirsan gobolka Sool ee dalka Somaliland.


wasiirka-Ingiriiska: Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Afrika Mr. Mark Simmonds oo shalay booqasho ku yimi Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, isla markaana kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, ayaa ka dib markii kulanka uu Madaxweynaha la yeeshay dhammaaday, isaga iyo Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ay shir jaraa’id si wada-jir ah ugu qabteen xarunta Madaxtooyada, ayaa Somaliland iyo Malleeshiyooyinka ka soo horjeeda ugu baaqay inay Xilkasnimo muujiyaan. “Waxaanu ku dhiirigelinay sii socoshada wada xaajoodka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, kana mid yihiin yareynta khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland, waxaanan soo jeedinay xilkasnimo la muujiyo wakhtigan gaarka ah.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Afrika Mark Simmonds.


- Maraykanka: Sidoo kale, War qoraal ah oo lagu baahiyay Mareeg uu Shabakadda Internetka ku leeyahay Xafiiska Wakiilka gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya u qaabbilsan Maraykanka James Swan, ayaa lagu sheegay inay dawladda Maraykanku walaac weyn ka qabto xiisad ka qaraxda deegaannada Xadka ku yaalla iyo kuwa ku dhaw xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Puntland, gaar ahaan degmada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool ee Somaliland.


Wakiilka gaarka ah ee Maraykanka u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa labada dhinac  ugu baaqay inay ka waantoobaan ficil kasta oo xasillooni-darro abuuraya, iskuna dayaan in isfaham dhaco, waxaanu yidhi; “Dawladda Maraykanku waxay Walaac qoto dheer ka qabtaa xiisado ka soo cusboonaada Deegaammada u dhexeeya Somaliland iyo Puntland ee Waqooyiga gobolka Sool. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan rabshadaha iyo in ay xal wadahadal nabadeed ku dhammeeyaan wax kasta oo ay isku hayaan.”


“Dawladda Maraykanku waxay sii wadaysaa Taageerada si ay dadka Somaliland iskood ugu istaagaan, waxaanay si dhow ula shaqayn doontaa Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda iyo kuwa nabad-gelyada si loo dhiirrigeliyo ammaanka, nabadda, iyo xasilloonida. Dhisidda iskaashiga siyaasadeed ee gobollada Soomaaliya ayaa wali  lagama maarmaan u ah kor u qaadista  dimuqraadiyadda, maamul wanaagsan, koboca dhaqaalaha iyo ammaanka ee Soomaaliya.” Sidaa ayuu yidhi James Swan.


- Qaramada Midoobay: Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa ku baaqay in xiisadda Taleex la qaboojiyo. Kay ayaa dhammaan dhinacyada u diray farriin ah in ay dulqaad iyo tanaasul muujiyaan, si looga baaqsado dagaal khasaare geysta oo gobolka ka dhaca.


“Waxaan ku baaqayaa in la muujiyo degannaansho, xaaladda laguma xallin karo hab Ciidan, dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso waa in ay muujiyaan dul-qaad, oo aanay ku kicin ficil keeni kara dagaal,waana in ay sida ugu dhaqsaha badan u damiyaan buuqa jira una qaboojiyaan xaaladda,” Sidaa ayuu Nicholas Kay ku sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa oo uu kaga hadlay xaaladda Taleex.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 


No comments:

Post a Comment