Wednesday, April 16, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo xafiiskiisa ku qaabiley wasiirka ingiriiska u qaabilsan arrimaha afrika




Hargeysa (Himilo) Wasiirka Ingiriiska u Qaabilsan Arrimaha Afrika Mr. Mark Simmonds oo markii u horraysay kulan kula qaatay qasriga madaxtooyada Madaxweynaha somalilana oo ay weheliyaan xubno wasiiro ah, Mr Mark Simmonds wuxuu  ballan qaaday in dawladiisu xayiraada xagga safarka ka qaaday magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, isla markaana waxa uu Somaliland iyo maamulka Putland ugu baaqay inay dejiyaan xiisada colaadeed ee ka dhex aloosan.


siilaanyo iyo weftiga ingiriiska. 2Wasiirka ingiriiska u qaabilsan arrimaha afrika waxa uu ka hadlay dareenkiisa ku wajahan booqashada uu somaliland ku yimid waxaanu yidhi:-“Waa booqashadaydii ugu horraysay ee aan Somaliland ku imaado, balse waxaan inta badan ka shaqeeyey, kuna hawlanaa sidii aan u fududayn lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya Ingiriiska iyo Somaliland, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka taariikhiga ah ee boqortooyada Ingiriiska iyo Somaliland ka dhaxeeya”.


 


“Kulanka na dhex maray Madaxweynaha iyo wasiiradiisa waxa uu ahaa mid midho-dhal leh, intii kulanka lagu jirayna waxaannu ka hadalnay arrimo muhiim ah oo Somalland iyo Ingiriiska ka dhaxeeya, kuwaasoo ay ku jiraan in hoos loo dhigo amma laga qaado xayiraadii la saaray safarka  muwaadiniinta Ingiriisku, taasoo aan aad ugu faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in aanu awoodno inaannu samayno sidaa, gaar ahaan in xayiraada laga qaado Hargeysa iyo Berbera.


 


Waxa kale oo aanu ka hadalnay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo qurbajoogeeda ku nool dalka Ingiriiska, annagoo isticmaalayna khibrada dadka qurba-jooga ah leeyihiin si loo sii wado horumarka ka socda Somaliland iyo in sidoo kale la fududeeyo ganacsiga iyo maalgashiga ka imaanaya London, si loo xaqiijiye fursadaha ganacsi ee halkan ka jira.


 


Sidoo kale, waxaannu ka wadahadalnay in la dhiirigeliyo, lana ansixiyo sii waditaanka horumarin ganacsi oo dhex marta Somaliland iyo Soomaaliya iyo in la yareeyo xiisada ka dhex taagan Somaliland iyo Putland,” ayuu yidhi Mr. Simmonds.


 


Wasiirka Arrimaha Afrika ee Ingiriisku waxa uu sheegay in waaxda horumarinta caalamiga ah ee Ingiriisku inay sannadkii Somaliland ugu deeqi doonto lacag dhan £ 97 milyan (Sashan iyo toddba bilyan oo lacagta Ingiriiska), waxaannu yidhi;“Dawladda Ingiriisku waxay si khibrad leh u hubin doontaa in qof kastaa helo horumarin dhaqaale, dhaqaalahana kor loo qaado iyo shaqo abuurisba in la helo, waxaanan caddayn kara in Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ay ballanqaaday £ 97 milyan Lacagta Ingiriiska ah sannadkii la siin doono Somaliland, waxaanan caddaynayaa in barnaamijyo taageero oo joogto ah Somaliland aanu ka fulin doono, gaar ahaan annagoo fulin doono baahiyaha muhiimka ah ee dawladda Somaliland sheegto, si loo hubiyo in qof kasta oo Somaliland ah uu ka faa’iido horumarinta dhaqaale iyo kobcinta dhaqaalaha, iyadoo loo eegaayo baayiha dawladdu tilmaanto.”


 


Wasiirka Ingiriiska oo warbaahintu waydiisay sababta marka xayiraada socdaalka lagu soo rogo Somaliland ay u raaciyaan, waxa uu ku jawaabay;“Talada safarka ku saabsan waxa loo bixiyey faa’iidada muwaadiniinta Ingiriiska darted, balse waa arrin cad mararka qaar,mararka qaarna waxa la sheega in cunaqabataynta xagga safarka ee Somaliya la saaray Somaliland ku jirto,waxaan maanta ogeysiiyey Wasiirada Somaliland, inaannu tallaabada qaadno marka aanu fallanqayn caqli gal ah samayno, xaqiiqada eegno, mana aha go’aan siyaasadaysan, balse waa go’aan xaqiiqada ku salaysan, xayiraadii safarkana waxaannu ka qaadayna Hargeysa iyo Berbera.”


 


Mr. Simmonds oo ka hadlay aqoonsiga Sheffield iyo halka uu dawladiisa ka taagan yahay waxa uu yidhi; “Heerka Golaha Degaanka Magaalada Sheffield, maaha heerka qaran ee dawladd Ingiriisku taagan yahay.”


 


siilaanyo iyo weftiga ingiriiska. 3Geesta Kale, Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Md.Maxamed Biixi Yoonis oo kulankaas kadib ka war bixiyey waxyaabihii ay wasiirka ka wadahadleen, ayaa sheegay in ay u badnaayeen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Somaliland iyo Ingiriiska,gaarahaan dhinaca ganacsiga iyo deeqaha.


 


“Waxaannu ka wada xaajoonay iskaashiga Somaliland iyo Ingiriiska sidii loo sii xoojin lahaa, waxaannu maanta Wasiirku caddeeyey in Somaliland tahay qaran nabdoon, waxaanannu wadamada jaarka kula nool nahay nabad,waxaanannu la shaqaynaa bulshada caalamiga ah,marka arrimaha amniga timaado,waxaanannu wasiirka u ansixinay in Somaliland tahay qaran amni ah iyo inaannu doonayno sidii aanu u arki lahayn innagoo bulshada caalamka kamid ah,” ayuu yidhi Maxamed Biix


 


Wasiir Biixi waxa kale oo uu tilmaamay in Wasiirka Ingiriiska ay ka wadahadleen shir ganacsiga ku saabsan oo Somaliland ku qabsan doono Ingiriiska, waxaannu yidhi; “Waxaannu Wasiirka ka wadahadalnay shirka Ingiriiska aanu ku qaban doono ee ganacsiga iyo maalgashiga lagaga hadlaayo oo aad muhiim ugu ah dadka Somaliland,waxaanannu ka wadahadalnay qurba-jooga reer Somaliland ee Ingiriiska jooga siday waddankooda waxa ugu tari lahaayeen.”


 


Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo ka hadlay xayiraada socdaalka ee laga qaaday Hargeysa iyo Berbera iyo xaalada ka dhex taagan Somaliland iyo Putland ee Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Afrika ka hadlay, waxa uu tilmaamay; “Waxa aanu maanta aad ugu faraxsanahay oo wasiirku ku dhawaaqay in cunaqabataynta xagga safarka ee aanu muddada badan ka hadlaynay ee aanu waydiisanaynay dawladda inay ogaadaan inaannu dal nabada nahay oo xasiloonahay, nagana qaadeen, gaar ahaan Hargeysa iyo Berbera, waxaanannu ballanqaadnay inaannu nabada xoojino, waxaanannu wasiirka u sheegnay inaannu nahay dad nabad jecel oo taariikhdooda si fiican loo garanaayo, haseyeeshee xuduudahooda, goonni-isu-taagooda ay mid sugan yihiin oo aan cidna looga daba fadhiisanayn oo aanay ogolaanayn in waddanka gudihiisa lagu qabto shirar dhibaato dalka u keenaaya, waxaanannu u sheegnay inanaan dhib wadin, ogolayna dhibta, hadalada ka soo baxaya Putland anaan halkaas gaadhin, hadal iyo meel-ka-dhacna diyaar uma nihin.”


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment